4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo dib loo Furay kaddib Maalmo ay u xirnaayeen Arrimo la xiriira Ammaanka


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa dib loo furay saakay oo Sabti ah kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen arrimo la sheegay inay ammaanka la xiriiraan, waxaana jidadkaas dib uga howl-billlaabay gaadiidka dadweynaha.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isugu jiray nabadsugid iyo booliis oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa waddooyinkaas ayaa saakay laga qaaday, iyadoo shacabka Muqdisho ay si aad ah u soo dhaweeyeen dib u furidda waddooyinka.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay in dib loo furo waddooyinka, waayo dhibaato ayaa lagu qabay, gaadiidka meel fog ayaa looga dagayay, wayna adkeyd in si dhaqso ah lagu gaaro goobaha shaqooyin, balse maanta way ka bedelen tahay afartii maalmood ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Cumar Daahir oo ka mid ah dadka shaqooyinkooda u socday saakay.

Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa iyaguna sheegay inay dhibaato aad ah ku qabeen marista waddooyinka, iyaga iyo rakaabkuna uu khilaaf joogto ah u dhexeeyn jiray, maadaama aysan geyn karin halkii ay markii hore kusoo rareen.

“Shacabku waxay nagu eedeyn jireen inaan doonanayno inaan kasoo kala wareegayno goobihii aan ku ballanay meelo ka sokeeya, waxaa dhacday inay dadka qaarkood la tagaan lacagaha, halka kuwo kalena ay tegi jireen iyagoo careysan,” ayuu yiri mid ka mid ah dawallada ka shaqeeya Wadajir iyo is-goyska KM-4.

Ganacsatada dukaamada, maqaahiyadaha iyo caroowyinka ku leh hareeraha jidka dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa iyaguna soo dhaweeyay dib u furida waddadaas oo ahayd middii uu bandowga saameynta xooggan ku yeeshay.

“Maalmo badow ah kaddib saakay aad ayaan u faraxsannahay, waayo ma jirin cid ganacsiga soo galaysay, qof walba baqdin ayuu qabay, saakay waa maalin weyn, waayo ciidamadii wadooyinka xirayay waa la qaaday,” ayuu yiri Nuur Faarax oo ka mid ah ganacsatada dukaamada ku leh hareeraha wadda weyn ee Maka Al-Mukarama.

Xirnaashaha waddooyinka ayay madaxda dowladdu ku sheegeen howlgal looga hortagayay qorshayaal ay Al-shabaab ku doonaysay inay falal argagaxiso uga geysato Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in qorshayaal badan la fashiliyay.

Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay xirnaashaha waddooyinka ayaa sheegtay inaysan jirin qorshe ay doonayso inay weerarro uga fuliso Muqdisho, balse xirtaanka waddooyinka uu yahay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya