4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Madaxda Ururka IGAD oo isku-raacay in Dowladda Somalia ay hoggaanka u qabato Dadaallada lagu dhisayo Maamullada Dalka


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Madaxda dalalka ku bahoobay IGAD ayaa isku raacay in dowladda Soomaaliya ay hormuud u noqoto dadaallada maamul u sameynta gobollada Soomaaliya, iyadoo warkan lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda IGAD uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Qodobkan ayaa wuxuu ka mid ahaa qodobbbadii uu hordhigay madaxweyne Xasan Sheekh madaxda dalalka IGAD, iyadoo sidoo kale la isku raacay in dowladda Soomaaliya lagu ixtiraamo dastuurkeeda, lana taageero qorshaha ay dowladdu ku sameynayso maamullada.

Sidoo kale, war murtiyeedka waxaa lagu sheegay in urur-goboleedka IGAD uu taageero qorshaha ay dowladda Soomaaliya iyo AMSIOM ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay gacanta ku hayso.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xoojiyo ciidamada dowaldda Soomaaliya la tayeeyo si ay awood buuxda ugu yeeshaan inay la wareegaan ammaanka guud ee Soomaaliya, haddii ciidamada caawinaya ay isaga baxaan dalka.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in wafdi heer sare ah loo diro magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, waxaana lagu sheegay qodobka 10-aad ee war-murtiyeedka in wafdigaas ay hoggaamin doonaan madaxda IGAD, howlwadeennada ururka iyo xubno ka socda waddamada ku jira ururka.

Howsha guddigan ayaa waxay noqon doontaa inay soo indho-indheeyaan xaaladda degmada Kismaayo ayna soo ururiyaan warbixinno lagu soo bandhigi doono shirka soo socda ee IGAD ay ku yeelanayso magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dhammaadka bishan May.

Degmada Kismaayo ayaa waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo ay dowladda Soomaaliya kasoo hor-jeesatay kuna tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla.

Shirkan oo looga hadlayay ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa shirkaan uga qaybgalay madaxweyanha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo madaxweynuhu uu sharraxaad ka siiyay madaxdii IGAD shirka lagu qabanayo London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya