4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Maalinta Warbaahinta Adduunka oo Maanta laga xusay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-Goboleedka Puntland

Jimco, May 03, 2013 (HOL)  — Maanta oo ku beegan maalinta war-baahinta aduunka, waxaa siweyn looga xusay magaalooyin badan oo dalka ka tirsan, kuwaasoo ay kamid tahay xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Munaasabad ballaaran oo ku aadaneyd xuska maalinta war-baahinta, ayaa maanta ka dhacday xarunta hay’adda cilmi baarista Puntland ee magaalada Garoowe.

Waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo in badan oo kamid ah bahda saxaafadda ee deegaanada Puntland.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP, waxaa ugu horeyn ka hadlay Burhaan Axmed Daahir oo isagu ah xoghayaha ururka MAP.

Wuxuuna ka sheekeeyey taariikhda warbaahinta Puntland, isagoo tilmaamay in warbaahintu ay kaalin weyn ka qaadato arimo muhiim ah oo ay kamid yihiin: is-dhex-galka bulshada, xoojinta nabad gelyada iyo wacyi geinta bulshada.

Wasiirka arimaha gudaha, Gen. C/laahi Axmed Jaamac Ilka-jir oo ugu danbeynti hadalka qaatay, ayaa isna tibaaxay in dowladdu ay garowsan tahay tacadiyada ay weriyeyaashu la kulmaan iyo sida ay shaqadoodu u tahay mid dhib badan.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu wasiirku bahda warbaahinta ku booriyey in ay kasoo dhalaalaan kaalinta ay bulshada kaga jiraan, kana fogaadaan wax walba oo shaqadooda ka dhigi kara mid aan hufneyn.

Maalinta war-baahinta dunida, waxaa maanta oo kale laga xusaa dhammaan caalamka, waxayna sanadkan kusoo aadeysaa xilli tirada weriyaasha ilaa sanadkii 2012 Soomaaliya lagu diley ay tahay 22 weriye.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya