4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Shir loogu Gogol-xaarayo Shirweynaha Dib u Dhiska Soomaaliya oo Nairobi ka furmi doona 28-ka Bishan (SAWIRRO)
M1370011.jpg
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) - Shir hordhac ah oo loogu gogol Xaarayo shirweynaha dib u dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxaana kulankan kasoo qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Maxamed Cali Nuur, Madaxa Afrika ee hay'ada Hanvard ee iyadu shirkan qabanqaabinaysa Xassan Nuur, Madaxa rugta ganacsiga ee Kenya James Mureu iyo ganacsato ajaanib ah oo ay kamid yihiin Sanjeev Gandhia oo madax ka ah, Hay'ada Astral Aviation Ltd. iyo Mark Smith oo ah madaxa shirkada Deloitte.

Madaxa Afrika ee hay'ada Hanvard ee iyadu shirkan qabanqaabinaysa Xassan Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay fikradaan kasoo go'day markii ay arkeen baahida loo qabo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay qayb wayn ka ciyaari karto xasiloonada iyo dib u dhiska dalka.

"Shirka dhici doona 28-ka bisha waa fursad aan horay inoo soo marin oo ay isugu imaan doonaan dadka uu ka go'o mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaanna ganacsatada iyo maamullada dalka ka jira" ayuu yiri Xassan.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in la diyaariyo mustaqbalka Soomaaliya oo noqon kara waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo midka caalamka, marka la fiiriyo mawqica istiraatijiyadeed ee u dalku ku yaallo, iyo firfircoonada ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool wadamada gobolka iyo caalamkaba.

Sanjeev Gandhia oo madax ka ah, Hay'ada Astral Aviation Ltd. oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay Soomaaliya fursada maalgashi ee ka jirta haatan aysan barri na sugi doonin, loona baahanyahay in haatan laga faa'iidaysto.

Waxaa uu ku boorriyay shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways inay bilowdo duulimaadyo toos ah oo ay Soomaaliya ku tagayso si dadka Kenyaanka ahi ay uga faa'iidaystaan fursadaha ganacsi ee dalka Soomaaliya ka jira.

Mark Smith oo ah madaxa shirkada Deloitte ayaa isna sheegay inuu ku mahadinayo hay'adda Hanvard qabanqaabada shirkan oo uu sheegay inuu yahay mid isku xiri doona dhammaan dadka iyo sharikadaha danaynaya inay maalgashadaan Soomaaliya oo uu sheegay inay kasoo gudubtay marxalad adag.


M1370006.jpg

Madaxa rugta ganacsiga ee Kenya James Mureu oo dhawaan Xamar kasoo laabtay ayaa sheegay in markii uu halkaas tagay isbadalay fikirkii uu ka haystay Soomaaliya.

"Xaaskayga ayaa ii diiday xataa inaan baxo waanan ku indha adaygay tagitaankayga, laakiin markii aan tagay waxaan arkay fursadaha maalgashi ee meesha ka jira iyo Soomaalida oo si fiican noo soo dhaweeyay, taasoo ii xaqiijisay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu heellanyihiin inay qaataan kaalintooda ku aadan horumarka gobolka" ayuu yiri James.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay sida dawlada Soomaaliya ay ula dhacsantahay qabashada shirka 28-ka May oo fursad u ah Soomaaliya iyo dhammaan shirkadaha maalgashiga ee caalamka.

"Shirkani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, wuxuuna daba socdaa shirkii London, wuxuuna tusaale u yahay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay marxaladii adkayd ayna hadda tahay meel u diyaarsan in la maalgashado" ayuu yiri Danjiraha.

Cali Ameeriko ayaa ballanqaaday in dawlada Soomaaliya ay u fududayn doonto cid walba oo doonaysa inay dalka maalgashato, ayna dawladu sugi doonto ammaanka muwaadiniinteeda iyo walaalaheena kale ee caalamka nooga imaanaya si ay uga faa'iidaystaan fursadaha ka jira dalkeena" ayuu sii raaciyay.

Ugu dambayntiina kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa martiqaad u diray dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka rajo qaba inay maalgashadaan Soomaaliya, uguna baaqay inay yimaadaan shirweynaha qabsoomaya 28-ka bisha, kaasoo lagu lafa guri doono fursadaha maalgashi, halka ay ka jiraan iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo, looguna fududayn karo ganacsatada tasiilaadka ay uu baahanyihiin ee xagga amniga iyo shuruucda maalgashiba.

M1370024.jpg
M1370040.jpg
M1370022.jpg
M1370031.jpg
M1370021.jpg
M1370042.jpg
M1370040.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya