Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SAWIRRO)
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo
wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadif iyo saraakiisha
sar-sare ee AMISOM.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey
arrimaha amniga iyo horumarka ay ka gaareen ciidmada dowladda Soomaliya iyo
kuwa AMISOM, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dagaallada lagula jiro Xarakada
Al-shabaab.
“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka
tahay Midowga Afrika oo maalmo ka dib u dabaal-dagaya 50-guuradii kasoo
wareegtay markii dhidibbada loo asaasay ururka Midowga Afrika; Soomaaliyana waxay
ka mid ahayd dalalkii wax ka aasaasay Ururkan. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan
ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Afrika oo gaarta
horumar dhab ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray inuu mahad
gaar ah u celinayo dalalkii ku yaboohay ciidamada AMISOM.
Wakiilka Midoga Afrika u qaabilsan
Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’an tahay ururka Midowga Afrika
sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa in Soomaaliya oo nabad ah la arko.
“Midowga Afrika waxay u dabaal-dagayaan
50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay, waxaana Muqdisho u imid inaan dadka
Soomaaliya kala qayb-qaato dabaal-dagga ururka. Maalinta berri ah waxaa
Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad balaaran oo loogu dabaal-degayo Midowga
Afrika,” ayuu yiri dajire Anaadif oo sheegay inay ra’iisul wasaaraha kawada
hadleen horumarrada ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.
Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa
25-ka bishan waxaa ka dhici kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka
Afrika, kaasoo ay ugu dabbaal-degi doonaan 50-guuradii kasoo wareegtay markii
la asaasay ururka, iyadoo sidoo kale shirkaas looga hadli doono arrimaha
Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya