4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Gudoomiyaha Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo oo ka Badbaaday Qarax lagula beegsaday Hooygiisa

Arbaco, May 22, 2013(HOL) :- Wararka ka imaanaya deegaanka Buusaar oo qiyaastii 40 KM dhanka Bari uga beegaanka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw qarax lala eegtay gudoomiyaha deegaanka Buusaar Mudane Iftiin Xuseen C/laahi, iyadoona qaraxaasi uu ka badbaaday gudoomiyaha.

Qaraxan oo la sheegay in la saaray saanqaafka kore ee guriga uu daganyahay gudoomiyaha ayaa waxa uu sababay dhaawacyo soo gaaray laba qof oo ka mid ah ehelka gudoomiyaha, waxaana qaraxaasi ka badbaaday gudoomiyaha oo lala damacsanaa weerarka.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa lagu daweeynayaa Isbital ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Col C/laahi Buulle oo ah madaxa ciidamada danbi baarista galbeedka gobolka Gedo oo HOL u waramay ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid la saaray saanqaafka kore ee guriga uu daganyahay gudoomiyaha, wuxuuna intaa ku daray in qaraxu ay ku waxyeeloobeen laba qof oo ka tirsan qoyska gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay qaraxan in ay ka danbeeyay dagaalyahannada Al-shabaab, wuxuuna xusay in ay wadaan baaritaanno la xiriira arintaasi.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo ka hadashay weerarkaasi, haseyeeshee weerarrada ceynkan oo kale ah ayaa aalaaba ka dhaca gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.