Midowga Yurub oo Somaliland ku Casuumay Shir ay Qabanayaan iyo kulan ay yeesheen safiirka EU-da iyo Siilaanyo (SAWIRRO)
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga
Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan
Soomaaliya ayaa sheegay inuu Somaliland ku casuumeen shir caalami ah oo ka
dhici doono xarunta midowga yurub ee Belgium, isla markaana Somaliland ka caawin
doonaan dhinacyada dhaqaalaha.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa isna ka hadlay kulankaasi uu
safiirku la yeeshay madaxweynaha, waxaanu sheegay inay madiwga yurub ka
tallogalisay shirka ka dhacay Belgium, isla markaana aanay sidii shirkii London
gabogabadii lagu soo wargalin, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan ka tashan
doonaan inay ka qaybgalaan shirkaasi.
“Waxaanan ka wada hadlnay guud ahaan
cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo
aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu
mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo
dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”ayuu yidhi
wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo ka hadlayey waxyaalaha ay ka wada hadleen
safiirka.
“Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba
caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda
Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah
ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo
balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirku sii raaciyey hadalkiisa.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in
caalamku cashar ka qaateen diidmadii ay Somaliland ka muujisay ka qaybgalka
shirkii London, isla markaana shir kasta laga talogalinayo ka hor inta aan la
bilaabin.
“shirkaasi waa mid uu midowga yurub nagu
casuumay, waana mid aanu ka wada hadli doono oo wakhti dheer baa hadhay, sidii
shirkii london inta wax walba la soo dhameeyey maalintii u dambaysay Somaliland
loogu yeedhay maaha, arrintaasi cashar bay dunida siisay, Somaliland waa dal
lagu talo gali karo oo lagaga tashanayo arrimaha saameynta ku leh sida wadamada
jaarka ah, waana ka tashan doonaa waxaana ka qaadan doonaa go’aan”ayuu yidhi
Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey inay ka qaybgalayaan shirkaasi iyo in kale.
Dhinaca kale, danjire Michele Cervone
d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga
mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga
yurub sadexda sanadood ee soo socda.
“waxaanu madaxweyne Siillaanyo kulan kula
yeeshay heshiishka cusub ee gargaarka midowga yurub iyo sidii aanu xukuumadda
Somaliland ula shaqayn lahayn, waxaana kulan ku qaban doono xarunta midawga
Yurub Brussels ee wadanka Belgium, Somaliland waxay noo muujisay inay ka
qaybqaadato kulankaasi”ayuu yidhi Safiirka midowga Yurub oo ka hadlayey
kulankaasi uu madaxweynaha la yeeshay.
Safiirku wuxuu sheegay in mashaariicda
ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u
dejiso.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland