4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro.

Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho.

“Howlgalladan waa kuwo lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Muqdisho maadaama Al-shabaab markii looga adkaaday dagaallada tooska ah ay billlaabeen inay dadka argagax geliyaan oo ay falal ammaan-darro abuuraan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya kawaddo guud ahaan dalka Soomaaliya, si amaanka salka loogu dhigo.

“Go’aankan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho waa mid ay gaareen AMSIOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu qabanayaa cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni ay ku mari karaan meeshii ay doonaan,” ayuu yiri Col. Xumad.
 

Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay shalay iyo maanta ka wadeen howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo howgalladii maanta la sheegay in lagu soo qabqabtay in ka badan 500 oo qof oo u badan dhallinyaro.

Degmooyinka howgallada laga sameeyay maanta ayaa waxay kala yihiin: Hodan, Wardhiigley iyo Dayniile, waxaana dadka lagu soo qabqabtay howgallada lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho iyo taliska nabadsugidda gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howgallo noocan oo kale ah ay ka socdaan Jubbooyinka, Bay iyo Hiiraan, kuwaasoo la xiriira kuwa ka socda Muqdisho laguna xoojinayo nabadda deegaannadaas.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya