4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Hay’adda Shaqada Adduunka ILO oo Muqdisho ka furtay kulan lagu hadlayo Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Hay’adda shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdihso kallan looga hadlayo horumarinta ganacisga Haweenka Soomaaliyeed, kaasoo dib loogu eegayo horumarada laga sameeyay ganacsiyo yar-yar oo horay loogu furay haween danyar ah oo Soomaaliyeed.

Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa furitaankiisa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta ka socday hay’adda ILO iyo ururka Midowga Yurub oo maalgelinayay tababarradii loo sameeyay haweenka ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxa hay’adda samafalka ee HRD, C/llaahi Yuusuf oo ka mid ah hay’adihii horay u fuliyay tababarrada haweenka ganacsatada ah iyo maalgelintooda oo furtay tababarkan ayaa sheegay in kulankan uu ku saabsan yahay sidii loo oglaan lahaa waxyaabihii u qabsoomay haweenkii ganacsiga loo furay iyo kuwii la tababaray.

Sidoo kale, furitaankii kulanka waxaa ka hadlay C/llaahi Axmed Garuun oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed, isagoo ka sheekeeyay diinta Islaamka iyo ganacsiga haweenka, wuxuuna xusay in haweenku ay tiir dhexaad u yihiin qoyska iyo bulshada caalamka.

Maryan Maxamed Cilmi oo ka socotay ururka ganacsatada haweenka Soomaaliyeed oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa sheegay in ururkooda uu xarumo kala duwan ku leeyahay dalka oo dhan, ayna maalgeliyaan haweenka aan shaqooyinka haysan, si ay u hesho shaqo ay ka hesho nolol maalmeedka qoyskeeda.

 

Agaasimaha waaxda haweenka iyo caruurta ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamed Cumar Nuur oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay soo dhaweynayso dadaal walba oo lagu xoojinayo horumarinta haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in baritaan dhawaan la sameeyay lagu ogaaday in 61% ay bulshada Soomaaliyeed yihiin haween.

“Maadaama bulshada ay inteeda badan noqdeen haween waa lagu qasban yahay in la xoojiyo awoodda haweenka ee dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga, si dalkan uu u noqdo mid horumar dhaqso ah sameeya,” ayuu yiri agaasimaha oo hadalkiisa ku daray in wasaaradda haweenku ay bisha December ee sannadkan ka sameyn doono degmooyinka Muqdisho xarumo lagu xanaaneeyo dadka bulshada ugu jilicsan sida caruurta, haweenka iyo dadka xanuunsan.

Intaas kaddib waxaa kulanka ka hadlay wakiillo ka socday Midowga Yurub iyo ILO, kuwaasoo ka koobnaa afar ruux oo kala ahaa laba dumar ah iyo laba rag ah, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay kluanka kasoo qaybgalaan ayan arkaan barnaamij ku saabsan xoojinta haweenka Soomaaliyeed.

Emily Gallaway oo ka socotay ILO ayaa sheegtay in hay’adooda ay ka go’an tahay inay qayb weyn ka qaadato sidii lagu xoojin lahaa ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkooda uu lasii shaqeyn doono ganacsatada haweenka Soomaalida.

Dhanka kale, Francesca Pawarini oo iyaduna ka socday Midowga Yurub oo ka hadashay kulanka ayaa sheegay in ururkeedu uu la shaqeeyo ururro badan oo Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay inay qaataan talooyinka kasoo baxa kulammada noocan oo kale ah, ayna ka dhabeyn doonaan ballanqaayada ay sameeyaan oo dhan.










 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya