4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Cabdiraxmaan Cirro “Somaliland waxay diyaar u tahay in Jaarkeeda Nabad ay kula Noolaato; Qaranimadeedana difaacato”

Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya dhaawacay qodobadii Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen shirkii Ankara ee Turkiga.

Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay inay Somaliland xaq u leedahay inay difaacdo qarankeedda, isla markaana xuduudaheedda ilaashato cid kasta oo ku gardaraysatayna ay iska difaacayso. Waxa kale oo uu sheegay in Qaramadda midoobay dastuurkeeddu tilmaamayo in umadda kasta xaq u leedahay aayo ka tashiga aayahooga, sidaa darteed wuxuu ka codsaday inay ixtiraamto dastuurkeedda.

“Waxaan u hamabalyeyna shacabka soo bandhigay dareenkooda dhabta ah, waxay muujiyeen inay qaranimadooda daafacayaan, Somaliland taariikhdeedda wax la dafiri karo maaha, Somaliland gobonimada waxay qaadatay 1960, 26 june Soomaaliyana way ka hor qaadatay gobonimadii wayna ka da’ wayn tahay”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro oo xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta, waxanu intaas ku daray.

“Somaliland iyada go’aansatay inay ku biirto Soomaaliya, dhibaato badan ka dib waxay go’aansadeen inay dib ula soo noqdaan xoriyadoodii, waana go’aan shacab cid kasta oo mugdi kaga jirto inuu shacabku ka noqon karo go’aankaasi, ama madaxweynaha Soomaaliya ha noqdo ama cid kale ha noqoto wuxuu shacabku shalay muujiyey inaan dib u noqasho suurtogal ahayn, Somaliland maaha mid cidi sheegan karto waxay u diyaar u tahay inay nabadgalyo kula noolaato jaarkeeda, haseyeeshee waxay diyaar u tahay inay qaranimadeeda siday u daafici jirtay u daafacdo, Soomaaliya iyo Somaliland wada hadal baa u socday, mabdi’yan in la wada hadlo waanu ogol nahay, laakiin waxa loo wada hadlayaa laba qaran oo siman, waxa qodobaddii Ankara ka mid ahaa wixii wada hadalka xaajimaynaya laga fogaado, waxa ka mid marka madaxweynaha Soomaaliya iyo cid kale arintaasi ka fakiraya waxaan uga digaynaa inay arrintaasi ka fogaadaan dareen diidmo ah iyo go’aan diidmo ah ayaa cid kasta oo gooni isku taaga Somaliland ka soo horjeeda ku diidayna dhawaaq dheer baanu ku diidayna, waxaanu jecelnahay in dalalka jaarka ah ay nabadgalyo kula dhaqano, waxa ka rajaynaa inay ixtiraamaan go’aanka shacabka, waxaan loola hadlayaa in si nabadgalyo ah loo kala baxo.” .

“Qaranka Somaliland mid cidi sheegan karto maaha, go’aanka shacabkana wax laga qaban karaa ma jirto, Soomaaliya waxay doonaysaa inay Soomaaliya midayso,laakiin Somaliland kuma jirto oo markii horaba qayb kamay ahayn ee way ku biirtay, si cadna waanu u sheegnay waana cambaaraynaa wax kasta oo qaranimad Somaliland ka hor imanaya cid ku kacda,” ayuu yiri mar uu ka hadlayey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ka sooyeedhay.

Mar uu ka hadlayey dastuurka UN-ta waxa uu yidhi: “Qaramadda midoobay waxa dastuurkeeda kamid ah inay dadku aayahooda ka tashan karaan, Somaliland way ka duwan yihiin kiiskeeda oo wuxuu ahaa qaran madax banaan oo gobonimadda qaadatay waxaanan ka codsanaynaa inay ixitaamo dastuurkeeda oo si cad ugu qorantahay”.

“Madaxda Soomaaliya waxaan u jeedinaya in aanay ku riyoonin inay Somaliland qayb ka tahay, qaranka Somaliland wuxu xaq u leeyahay inuu si diblimaasiyadeed isku difaaco inuu xuduudihiisa difaaco inuu qaramadda midoobay iyo wadamadda jaarkeedda xidhiidh fiican la yeelanno , dhinac walba way iska difaacaysaa, waxaana qabaa inay qodobadda lagu heshiiyey dhaawacday, inkastoo aanu burburin, waxay xaq u leenahay in aanu is difaacno”ayuu hadalkiis ku soo xidhay.

Dhinaca kale, La Taliyaha Siyaasadda Arimaha Dibedda Madaxweynaha Somaliland Dr. Cumar Dixood, ayaa isna ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu yidhi “ Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu leeyahay Xamar iyo agagaarkeeda ayaan Madaxweyne ka ahay waa laga yaaba laakiin Madaxweyne Somaliyeed oo sheegan kara Madaxweynaha Somaliland iyo Somalia ma jiro mana jiridoono waa inuu iska daayo Xasan Sheekh Maxamuud Riwaayadda uu metelaayo,midna waan idiin sheegaya oo Somaliland markii ay 1960-kii Gobonimadeeda qaataday waxa ay u tagtay dal Madaxweyne uu ka yahay Aadan Cabdale Cismaan oo Madaxweyne kaliya ayay lahaayeen, balse hadda Xibin iyo Xeeb Madaxweyne ayay sheeganeysa, Mudug State oo Madaxweyne uu ka yahay Cabdi qaybdiid ayaa isaguna jira, Garoowe Cabdiraxmaan Faroole ayaa Madaxweyne Sheeganaaya,Meesha la yidhaahdo Kismaayo oo magaaladda Muqdisho dacalkeeda ah ayayna xukumin oo intaas yar ee magaaladda hareeraheeda oo Kenya u xoraysay Saddex Madaxweyne ayay leedahay ”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmihii dhowaa iska soo daba dhacayey masuuliyiin cambaaraynayey hadaladii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud uu sheegay inay Somaliland ku soo biirto Soomaaliya, isla markaana caadifadda ay ka soo noqoto, taas oo dad badan ka cadhaysiiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland