4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Xildhibaannadii Mooshinka ka Geeyay Xukuumadda Soomaaliya oo Qaar ka mid ah ay sheegeen inay ka laabteen Mooshinkaas

Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.

Mudanayaashan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ka baqeen in xukuumadda hadda jirta mid ka xun ay timaaddo, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay dib uga laabtaan go’aankooda.

“Dib uga laabashada go’aankeennu ma ahan in xildhibaanada baarlamaanku aysan xaq u lahayn inay mooshin ka keeni karaan xukuumadda, balse waxaa inoo muuqday in tani ay keeni karto in howlaha dowladdu ay dib u dhac geli karaan,” ayuu yiri xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo ka mid ahaa xildhibaannadii ku dhawaaqay inay ka laabteen go’aankoodii mooshinka.

Xildhibaannada ka laabtay go’aankoodii ay kaga mid noqdeen mooshinka laga geeyay xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah: xlidihbaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

“Baarlamaanku xaq ayuu u leeyahay inuu xukuumadda la xisaabtamo, balse taasi macnaheedu ma ahan in la burburiyo wax walba, waxaan nahay xubno dadaal ugu jira dib u dhiska dalkooda iyo nabadeyntiisa, waana taas midda keentay inaan go’aankeennii ka laabanno,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

Mudanayaashii goobta ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay inay dhaliil iyo cabasho kaga timdi shacabka Soomaaliyeed taasna ay qayb weyn ka tahay sababta keentay inay dib uga laabtaan go’aankoodii ay kaga midka ahaayeen mooshinka.

“Waxyaabaha dib u dhaca dalka horseeday waxaa ka mid ah khilaafyada joogtada ah iyo is-hortaag lagu sameeyo xukuumad walba oo waxqabad la timaadda, sidaa daraadeed xilligan looma baahna in mooshin laga keeno xukuumadda maadama ay tahay mid ka duwan xukuumadihii dalka soo maray oo wax-qabad la timid,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka ka hadlay.

Mooshinka laga geeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno ka badan 129, kuwaasoo xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad la’aan iyo inay kasoo bixi waday howlihii loo idmaday.

Maxamed Xaaji Xuseen. Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya