4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Madaxweynaha Gaana oo Shaaciyay in Dalkiisu uu Qaybweyn ka Qaadanayo Dib u soo celinta Nabadda Soomaaliya


Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Gaana, John Dramani Mahama ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya ka taageero sidii lagu soo celin lahaa nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaado ah.

John Mahama ayaa sheegay qodobka ku saabsan nabadda Soomaaliya uu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee looga hadli doono shirka Midowga Afrika ee dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Gaana ayaa hadalka sheegay shalay oo Axad ahayd kaddib markii uu garoonka diyaaradaha caasimadda Gaana ee Accra kula kulmay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Samoei Ruto.

“Soomaaliya waa dal ay dagaallo ka socdeen tan iyo sannadkii 1991-kii, hadda waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, waa in madaxda Afrika ay gacan ka geystaan sidii loo soo celin lahaa nabaddii dalkaas,” ayuu yiri Mahama. Balse ma uusan sheegin halka uu dalkiisu qaybta uga qaadanayo dib u soo celinta amniga Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Ruto ayaa isaguna sheegay inay tahay in madaxda Afrika ay awoodda saaraan sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xilliga xun ee ay soo martay, isagoo xusay inay taasi dan ugu jirto gobolka iyo Qaaradda oo dhan.

“Xukuumadda Kenya waxay dadaal dheer u gashay sidii ajandayaasha looga hadlayo shirka Midowga Afrika ee bishan dhamaadkeeda dhacaya ay qayb weyn uga noqon lahayd arrinta Soomaaliya,” ayuu Ruto dhankiisa ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Gaana ayaa dalka Kenya uga mahadceliyay sidii ay u dhacday doorashadii madaxnimo ee dalkaas, isagoo sheegay inuu dalkiisu si dhow ula shaqeyn doono dowladda cusub ee Kenya.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo ka socda dallaka Afrika, kuwaasoo ay ka mid yihiinn: Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone oo dhawaan kusoo biirtay, waxaana ciidamadaas ay ku howl-galaan magaca AMISOM.

Ururka Midowga Afrika ayaa sannad ka hor u magacaabay madaxweynihii hore ee Gaana, Jerry John Rawlings inuu noqdo ergayga Ururka ee dalka Soomaaliya, isagoo dhowr jeer yimid Soomaaliya, kuna cadaadiyay dalal badan oo Afrikaan inay soo eegaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya