Kulan looga Hadlay Xoojinta Ammaanka Gobolka Banaadir oo Maanta lagu qabtay Degmada Yaaqshiid (SAWIRRO)
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay
ammaanka ayaa maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo
kulankan ujeeddadiisu ay ahayd sidii dhallinyarada uga qayb-qaadan lahaayeen adkeyn
ammaanka degmada Yaaqshiid iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda
wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb-galay maamulka degmada
Yaaqshiid, mas'uuliyiin iyo dhallinyaro ka kala socday degmooyinka gobolka
Banaadir oo dhan.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin
Xasan Jurus oo kulanka hadal ka jeediyay
ayaa dhallinyaradii kulankaas kasoo qaybgalay ku boorriyay inay ka qaybtaan
sugidda ammaanka degmadooda, isagoo ugu baaqay inaan loo adeegsan hurinta
colaadaha.
"Dhallinyarada ayaga loo adeegsaday
wax walba, maantana waxaa rabnaa inay door ka qaataan adkeynta nabadgelyada,
waxaan socda howlihii lagu sameyn lahaa dariseynta iyo sidii tirakoob loogu sameyn
lahaa degmada, meel fiican ayay mareyaan," ayuu yiri Muxiyadiin Jurus.
Guddoomiye Jurus ayaa intaas ku daray inay
wadaan howlo ay dib u dayactir ugu sameynayaan degmada, dibna ugu soo
celinayaan bilicda degmadaas ay lahayd, isagoo ugu baaqay dhallinyarada wada-shaqeyn
iyo iskaashi.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed
Yuusuf oo isagna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in sida kaliya ee nabadda
lagu xoojin karo ay tahay in dhallinyarada isku xirnaadaan ayna sameystaan goobo
ay ku kulmaan, ugana warbixiyaan xaaladda ka jirta degmadooda.
Yuusuf ayaa intaas ku daray in degmo
walba ammaankeeda ay sugi karaan dhallinyarada, haddii ay gacan ku siiyaan
ciidamada amniga, lagana hortago kooxaha nabadda kasoo horjeeda, wuxuuna xusay
in haddii nabadgelyada la xaqiijiyo ay degmo walba heleyso adeegyadeeda aas-aasiga
ah.
Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Yaaqshiid,
Cabdullaahi Raage Axmed ayaa sheegay in sida kaliya ee loo wacyi-gelin karo dhalliyarada
ay tahay in loo maro waalidka, isla markaana xiriir lala sameeyo si ay wacyigelinta
qayb uga qaataan.
Kulankan ayaa intii uu socday ayaa dhallinyaradu
waxay galeen doodo ku saabsan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen nabadda, iyadoo
lix koox oo loo qaybiyay dhallinyarada ay kusoo bandhigeen fikrado iyo talooyin
ku aaddan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugidda mmaanka.
Ugu dambeyn; kulanka waxaa soo xirtay guddoomiye
ku-xigeenka degmada Yaaqshiid, Raxmo Daahir Siyaad iyadoo sheegay in dhisidda
nabadda ya ka qaadan karo qayb weyn mustaqbalka dhalliyarada gobolka Banaadir.
Hay'adda CCD ayaa maalmahan wadday dood-cilmiyeedyo
iyo siminnaaro ay ku qabanaysay degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo loogu
sameynayay dhallinyarada wacyi-gelinno ku saabsan dhisidda nabadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya