Munaasabado lagu kala Taageerayay sadex ka mid ah Madaxweynayaasha Jubaland oo ka dhacay Ingiriiska (SAWIRRO)
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Saddex xaafadood oo
ka tirsan magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee Britain ayaa xaflado
lagu kala taageerayo saddex madaxweyne oo ka mid ah madaxweynayaasha kaga
dhawaaqay Kismaayo inay hoggaan u yihiin maamulka cusub ee Jubaland.
Xafladda hore oo lagu taageerayay Sheekh
Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ka dhacday Regent Park
Banqueting Hall xafladdaas oo ahayd mid si wanaagsan loosoo abaabulay, waxaana
goobta ka hadlay Maxamed Macallin iyo Ugaas Maxamed Cabdiqani, iyadoo sidoo
kale uu kaga qaybgalay dhinaca taleefoonka madaxweyne ku-xigeenka Jubaland,
C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Xafladda labaad oo ahayd mid lagu
taageerayay Cabdi Baaley Xasan oo ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland ayaa ka dhacday
Maqaayadda Hillaac ee isla magaalada Birmingham; waxaana hadallo ka jeediyay,
Dr. Muuse, Yusuf Dhegtey iyo Jen. Ufruw.
Xafladda saddexaad oo iyadana lagu
taageerayay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa ka dhacday maqaayadda
Mubaark, waxaana kasoo qayb-galay dadweyne aad u fara badan, iyadoo dadkii
halkaas ka hadlay ay ka mid ahaayeen: Odawaa Xuseen iyo Cali Cabdul.
Munaasabadahan lagu taageerayay saddex ka
mid ah madaxweynayaasha Jubaland ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca
dalka dibaddiisa, iyadoo ay tani muujinayso in madaxweynayaasha maamulkaas ay
dibadda ku leeyihiin taageerayaal kala duwan.
Tirada madaxweynayaasha ku dhawaaqay inay
hoggaaminayaan Jubaland ayaa waxay sii maraysaa shan madaxweyne, taasoo keentay
in xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay noqoto mid
aad u cakiran.
Sandhool A. Geele
Birmingham, Britain