4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo Xukunno ku Ridday 78 Bad-maax oo u dhashay Dalka Iiraan (SAWIRRO)


Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukuntay bad-maaxiin u dhashay dalka Iiraan - kuwaas oo saarnaa doomo si sharci darro ah uga kalluumeysaneyey xeebaha Puntland- oo ay dhowaan ciidamada badda ee Puntland gacanta kusoo dhigeen.

Badmaaxiintan oo ay tiradoodu dhan tahay 78, ayaa waxaa sidoo kale lala soo qabtay 12nin oo Soomaali ah, kuwaasoo iyaguna ilaalo ahaan ula socdey shantaas doomood ee laga leeyahay dalka Iiraan. Denbiyada ay xeer ilaaintu kusoo oogtey ayaa kala ah: in ay waxyeeleeyeen kalluumeysto u dhashay deegaanada Puntland iyo weliba in ay qaab aan sharci ahayn uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa kaddib markii uu dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada wuxuu ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu riddey, kaas oo ahaa ganaax lacageed oo ay wadartiisu tahay $680,000 (lix boqol iyo siddeetan kun oo doolar).

Afarta doomood ayaa mid walba waxaa lagu xukumay $500,000; afarta naakhuude waxaa lagu xukumay midkiiba $5,000; badmaaxiinta kale ee Iiraaniyiinta ah oo dhan 74nin waxaa lagu xukumay mid walba $2,000; halka 12-ka nin ee Soomaalida ah iyagana mid walba lagu xukumay $1,000.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in lacagtan ganaaxa ah ay tahay in lagu bixiyo muddo 45-maalmood gudahood ah, haddii kale ganaaxa lagu beddeli doono xarig, doomahana ay la wareegi doonto dowladdu. Dhinaca kale hub u badan qoryaha fudud ee daran dooriga u dhaca oo ay wateen 12-ka Soomaalida ah ee doomahaas ilaalada ka ahaa, waxay maxkamaddu amar ku bixisay in lagu wareejiyo dowladda Puntland.

Bishii April ee lasoo dhaafay 24-teedii ayey ahayd markii ciidamada badda ee Puntland ay ka qabteen xeebaha badda cas ee Puntland, shan doonyood oo nooca kalluumaysiga ah, kuwaasoo dhamaantood laga leeyahay dalka Iiraan ayna saarnaayeen 90-qof oo ay 12 kamid ahi Soomaali yihiin.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya