Axad, May 19, 2013 (HOL) - Waxaa lagu qabtay shalay garoonka Bijlmar Sport Park ee mgaalada Amsterdam tartankii Kubada cagta ee cayaaraha xagaaga HIRDA AFT Summer cup. Tartanka oo ay ku hardamayeen 16 kooxood oo ka kala socaday magaalooyinka wadanka Holland. Waxaa ku guuleystay koobkii kooxda Rotterdam oo hal gool iyo eber kaga badisay cayaartii faynalka kooxdii ka socotay Utrecht. Gababadii cayaaraha waxaa hadalo qiime leh ka soo jeediyey gudoomiyaha HIRDA Maxamed Cigaal oo u mahad caliyey dhamaan marti sharaftii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay cayaaraha. Waxaa hadalo kooban oo guubaabo ka soo jeediyey Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali. Koobabkii iyo abaal marinadii ayaa marti sharaftii iyo hawl wadeenadii HIRDA ay ku gudoonsiiyeen kooxihii iyo shaqsiyaadkii muteystay abaalmarinada.
Hashim Ducaale, Hiiraan OnlineAmsterdam, Netherlands[email protected]