4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Kooxo Hubeysan oo Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-Bari—Kenya ku toogtay Sarkaal Kenyaan ah
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan nabadsugidda Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo tani ay sare u sii qaadayso ammaan-darrada ka jirta deegaannada ku yaalla Waqooyi-bari dalka Kenya.

Saraakiisha booliiiska degmada Wajeer ayaa sheegay in dilkan ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la garanayn, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.

"Kooxihii dilka ka dambeeyay way baxsadeen, waana lagu raad-jogaa," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska degmada Wajeer oo dilka ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxo gacan-saar la leh Al-shabaab.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya 2011 waxaa dalka Keny kusoo kordhayay falalka ammaanka ka baxday, iyadoo gobolka Waqooyi-bari uu yahay goobta ugu daran ee ay ka dhacaan falalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan.

Sitimaanno ka hor ayay ahayd markii weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen maqaayad ku taalla degmada Gaarisa lagu dilay dad ku dhow toban qof tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay, iyadoo aan la ogeyn kooxihii weerarkaas geystay.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan amray in laga hortago falalka ammaan-darro ee ka dhacay degmooyinka ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo la qaaday tallaabooyin lagu sheegay in ammaanka lagu sugayo; balse aan wax horumar ah laga sameyn.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka loo geystay sarkaalka ka tirsanaa haya'dda nabadsugidda dalka Kenya, iyadoo xaaladda degmada Wajeer ay saakay tahay mid deggen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya