4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Somaliland oo si weyn loogu diyaar garoobay dabaal-degga 18-ka May iyo Dadweynaha oo iibsanaya Astaamaha Calanka
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, isla markaana ku beegan maalinta barito ah ee Sabtidda.

Dadweynaha magaalooyinka Waaweyn, gaar ahaan magaaladda Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyey dadweynuhu ku qulqulayeen meelaha laga samaysto calamadda iyo dharka ay ku xardhan yihiin calanka Somaliland kuwaas oo jilbaabo, Diracyo, surwaalo iyo shaadhadhba ka tolanayey, waxaana guud ahaan camirmay lacag fiicana ka helay xuska 18 may dawaarayaashii dharka tolo oo toddobaadadii u dambeeyey ku mashquulsnaa tolayey dhar iyo calanka saddexda midab leh.

“Garanka calanku ku buufisan yahay waxaanu siinaa 7 dollar, Koofidayaha calanku u sawiran yahayna 4 dolar, shalmadda calanka laga dhigay 9, calanka weyn 12 dollar, waraaqaha baabuurta lagu dhajiyo iyo ka wajiga lagu dhajinayaba waa 1.5 dollar, diracyada iyo kuwo dharka laga samaynayo waa 20 dollar,” ayuu yidhi Axmed Muxumed oo ka shaqeeya Maydh Multi-service oo ah meharadaha sida weyn looga iibsado astaamaha calanka Somaliland .

Sidoo kale Ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ayaa la moodaa inay ku tartamayaan sidii fasal waliba gaarkiisa u dabaaldegi lahaa, waxaad arkaysaa marka ay duhurkii soo rawaxayaan ardayda gaadiidka la socda oo jeeni qaaran calanka, qaarkoodna dhabankooda ku sharxay calanka, waxaanu dugsi waliba gaarkiisa isku diyaariyey sidii uu uga dhex muuqan lahaa dugsiyada kale haday noqonayaan kuwo laamidda soomari doona ee ciidanka kala duwan ee isku soo bixi doona la socon doono iyo kuwo gaarkoodda hoteelo u kiraystay oo filimaan laga sameeyey Somaliland iyo taariikhdeedii maalintaasi soo bandhigi doonna Waxa iyugana kordhay qiimihii la kala siinayey calanka iyo astaamaha kale gacmaha iyo wajiga lagu xardho oo meelaha qaarkood gaadhay 12 doolar taasina waxay keentay in arday badan iyo dhallinyaro badani awoodi kari waayaan inay iibsadaan, kuwaas oo aad arkaysid iyagoo kolba suuqa wareegaya oo baayacaya si ay u helaan shay ka jaban kuwo qaaliga ah.

“Dad badan ayaa jira doonaya inay iibsadaan alaabahan laakin lacag ayey u waayeen, marka kolba meel ayay baayacayaan oo iska dhaqaayaan iyagoo ka murugaysan inay calan la’aan dabaaldegaan”ayuu yiri Maxamuud Muxumed oo ka mid ah dadka iibiya astaamaha calanka oo tilmaamayey dad badan oo awoodi kari waayey inay iibsadaan.

Sidoo kale meheradii ganacsiga ayaa dhamaan laga wada lulay calan maro weyn laga sameeyey oo meel fog kaaga muuqanaya, taasina waxay si qurxisay magaaladda dhexdeedii, waxa kale oo iyaguna cidhiidhi noqday wadooyinkii gaadiidku marayeen ka dib markii wadadii halbowlaha ahaa dib u habayn balaadhan lagu samaynayey, taas oo afartii cishe u dambeeyey xidhnayd,  taasina waxay wadooyinka ka dhigtay qaar mashquulsan badan oo dadkii suuqa ku socday ama ka imanayey saacado ku qaataan halka ay u socdaan buuqa iyo sawaxanka ka jiray awgeed.

Sidoo kale waxa iyaguna si weyn looga dareemayaa xayeysiisyada bandhigyada fanaaniintu ku qabanayaan magaaladda, waxaana ilaa saddex hotel ay ku qabsan doonaan fanaan kala duwan oo qaarkood dibadaha uga yimid xuska 18 may.

Waxa iyaguna dalalka dibadaha loo kala diray wasiiradiii oo jaaliyadaha Yurub ay soo casuumeen inay kala soo qyabgalaan xafladaha ay qabsanayaan, waxaana madaxweyne ku xigeenka iyo wefti u hogaaminaya kala qaybgali doonaan xus balaadhan oo ka dhici doonna magaaladda Lodon, halka gudoomiyaha xisbiga KULMIYE dadweynaha ku dhaqan Maraykanka kala qaybgali doono xuska, halka guddoomiyaha xisbiga UCID  kala qaybgali doonno jaaliydda Australia, waxa iyaguna wasiiro badan u kala baxeen gobolada iyo dalal kale oo badan.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska Gen:Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dhamaan dalka amnigiisa la kordhiyey, isla markaaan dhul, bad iyo cirkaba si weyn isha loogu hayo, si maalintan dadweynuhu iskugu soo baxeen, waxaanu xusay in maalinta sabtidda aanay magaalooyinka soo gali karin wax baabuur ah, isla markaana magaalooyinka dhexdooda la yaraynayo socodka baabuurta inta ay socoto dabaaldego.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan ayaa  dadweynuhu aad ugu jiraan diyaar garow badan si ay maalintaasi si fiican oo qurux badan u xusaan, waxaaana ciidamdaa kala duwan ay iyagoo gaadinaya socod ku mari doonaan badhtamaha magaaladda, kuwaas oo ay wehelin doonaan ardayda dugsiyada.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland