Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Urur-siyaasadeedka MIDNIMO oo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay go'aankiisa ugu danbeeya ee ku aadan doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in dhamaadka bisha soo socota ee Juun ay ka qabsoonto deegaanada Puntland.
Qoraal kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha ururka Dr. Saadiq Eenow, kaas oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey Hiiraan Online, ayaa lagu sheegay in ururku uusan marna ka laaban doonin go'aankii uu horay u qaatay ee ahaa in aysan ka qayb geli doonin doorashooyinka soo socda.
Waxaa sidoo qoraalka lagu sheegay in ay suurtogal tahay in Puntland uu ka bilowdo qalalaase siyaasadeed, taas oo haddii ay dhacdo; uu mas’uuliyaddeeda ururku sheegay in ay qaadayaan mas’uuliyiinta hormuudka u ah xukuumadda xilligan ka arimisa Puntland.
Isimada, waxgaradka bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayuu dhinaca kale ururka MIDNIMO ugu baaqay inay xil weyn iska saaraan, sidii ammaanka iyo xasiloonida ay Puntland caanka ku tahay loo sii adkeyn lahhaa.
Ugu danbeyntii waxaa bayaanka urur-siyaasadeedka MIDNIMO lagu xusay in ay tahay in sida ugu dhaqsaha badan lagu soo xulo xubno baarlamaan oo cusub; si doorashada soo socotaa ay u noqoto mid ku dhacda qaabkii hore ee ay baarlamaanku madaxweynaha u dooran jireen.
Ururka MIDNIMO wuxuu kamid ahaa kuwa ugu taageerada badan lixda urur-siyaasadeed ee ay aqoonsadeed guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, inkasta oo horay ururkaasi uu u qaadacay kaqayb galka doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, kaddib markii ay ku doodeen in hanaankii doorashadu u dhici lahayd ay wax badani iska bedeleen.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Urur-Siyaasadeedka MIDNIMO oo ka digey in Deegaannada Puntland ay ka billowdaan Qalalaase Siyaasadeed
More News
- Hay'adda HIRDA oo Magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ugu Dabbaal-dagaysa Sannad-guurad 15-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskeeda
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socda Urur Goboleedka IGAD
- Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogag Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
- Jaamacadaha SIMAD oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo dhaweynayo Iskaashi ay la yeelatay Jaamacad ku taala Malaysiya
- Hay'adda CCD oo Magaalada Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhallinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan May
- Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay dhismaha Maamulka Jubaland ee looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo
- Somaliland oo si weyn loogu diyaar garoobay dabaal-degga 18-ka May iyo Dadweynaha oo iibsanaya Astaamaha Calanka
- Sh. Maxamuud Geelle: “Waxaan Rumeysanahay in Dunida Islaamku ay mid noqonayso, Anigu Somaliland iyo Somalia waan ka shisheeyaa”