4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Midowga Yurub oo gudaha Soomaaliya u soo wareejiyay howshii lagu tababarayay ciidamada Dowladda Soomaaliya

Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wuxuu soo dhaweyay Midowga Yurub oo tababarkii ciidamada ka billaabay gudaha Soomaaliya, isagaoo ku tilmaamay inay xoojinayso ciidammo ay yeelato Soomaaliya.

 

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa lagu tababari jiray dalka Uganda iyadoo tan iyo markii uu howgalkan billowday ay Midowga Yurub 3,000 oo askari ku tababareen dalka Uganda.

 

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay waxay Midowga Yurub Soomaliya ugu soo tabareen dalka Uganda 3000 oo ciidammo. Midowga Yurub waxay gudaha Soomaaliya ku tababarayaan ciidanka xooga Dalka wixii maant ka dambeeya, kaasoo si toos ah u socon doona," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda soo wareejinta tababarka ciidamada Soomaaliya.

 

Mudane Xasan wuxuu sheegay in sannadkan dhamaadkiisa lasoo gaba-gabeyn doono soo guuritaanka ay Midowga Yurub u soo guurayaan gudaha Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya tababar ugu siiyaan.

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid adag. Waxay nagala qeyb-qadanayaan dib u dhiska ciidamada Qaranka oo matala dhammaan bulshadda qaybaheeda kala duwan, isla markaana leh tababar fiican, asluub iyo akhlaaq dhowrayana xuquuqda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Soomaaliya ay hadda hayso qalab la’aan laakiin goor dhow laga bixi doono. Ugu danbeyntii, madaxweyne Xasan ayaa yiri: ”Si kalsooni leh ayaan ugu mahadcelinayaa dadaalka uu wado ururka Midowga Yurub oo ku aaddan tabarka ay siinayaan ciidanka xoogga dalka. Waxaana diyaar u ah inay la shaqeeyaan wasiirka gashaandhigga iyo taliyayaasha ciidamada xoogga dalka.”

 

Tallaabadan ayaa qayb ka noqonaysa qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay dalka gudihiisa ugu soo wareejiso dhammaan howlihii loogu qabanayay Soomaaliya dalka dibaddiisa.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya