4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Ra'isul Wasaare Saacid oo Guddi u magacaabay Arimaha Jubooyinka

Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay guddi ka kooban ilaa 16 xubnood oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasoo kasoo shaqeyn doona arimaha Jubooyinka iyo weliba sidii xal waara looga gaari lahaa.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan siyaasiyiinta maamulka KMG ee Kismaayo, odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhamaan dadka ay ka go’do talada Jubooyinka, waxayna kala hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa arimaha Jubooyinka, iyagoona sidoo kale u sharixi doonaa siyaasadda dowladda ee ku aadan Jubooyinka.

Gudigan oo uu horkacayo wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha gudaha Mudane Cabdi-Guhaad Jaamac Axmed (Oday) ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan magaalada Kismaayo si ay u gudo galaan howlaha loo igmaday.

Xubnaha guddiga ee uu magacaabay ra’isul wasaare Saacid ayaa kala ah:

1.    Mudane Cabdi Guhaad Jaamac Axmed (Oday) W/k/xigeenka arimaha gudaha, gudomiyaha gudiga.

2.    Xildhibaan Xasan Macallim Max’uud

3.    Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankeey)

4.    Xildhibaan Max’ed iidle Geedi

5.    Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh

6.    Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey

7.    Xildhibaan, Cabdi-waaxid Cabdullaahi Jaamac

8.    Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

9.    Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin

10.  Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan

11.  Xildhibaan, Luuley Cabdi Aadan -Xubin

12.  Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan

13.  Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure

14.  Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil –

15.  Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin

16.  Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye ……………

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee ka arimiya Kismaayo kaasoo ku aadanaa arinta maamul u sameynta Jubooyinka, waxaana sidoo kale ay arintani kusoo aadeeysa xilli magaalada Kismaayo uu ka soconayo shir mudo dheer soo socday oo la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka kaasoo imika marayo qeybihiisii ugu danbeeyay.

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadisho-Soomaaliya.