4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Dood-Cilmiyeed looga hadlayay sida Dhallinyarada uga Qaybqaadan karaan Adkaynta Ammaanka oo Muqdisho lagu Qabtay


Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD, kulankaas oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada gobolka Banaadir ay uga qayb-qaadan lahaayeen ammaanka iyo xasilinta dalka.

Dood-cilmiyeed loo qabtay 100 dhallinyaro ah ayaa waxaa kasoo qayb-galay guddoomiyaha degmada Howlwadaag, Maxamed Abuukar Cali (Jacfar), guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar, maamulka dhallinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Jacfar oo kulankaas ka hadlay ayaa ka haflay doorka maamulkiisu ka qaadanayo horumarinta dhallinyarada iyo tira-koobka dadka deggen degmada, wuxuuna sheegay in dhallinyarada maanta ay yihiin kuwo ka nasiib-badan dhallinyaradii 20-sano ka hor dalka joogay xilligaas oo uu sheegay in dhallinyarada ay u caaboonaayeen qoriga iyo hubka kala duwan.

Wuxuu sheegay in dhallinyarada maanta ay nasiib leeyihiin, maadaama ay la joogo xilli ay dadka u ooman yihiin nabad isla markaana ay naceen hubka iyo colaadeed.

"Dhallinyarada way is-garanayaan wayna ogyihiin midkooda Al-shabaab ka tirsan; midkooda dalka ka dhoofay iyo midkooda aan rabshadaha wax lug ah ku lahayn," ayuu yiri Jacfar oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka codsaday inay horseed u noqdaan nabadda, isagoo ku ammaanay doorka dhallinyarada iyo haweenka ay ka qaadeen isbedelada horumarineed ee degmada ka dhacay.

Guddoomiyaha CCD, Ciise Axmed isagana hadal uu jeediyay ku sheegay inay la yaaban yihiin sababta ay dhallinyarada maanta oo ka aqoon badan kuwii ka horeeyay ee SYL ay dalkooda uga xoreyn la'yihiin kuwa dhibaatada ka wada.

"Soomaaliya diinta Islaamka way maqashay wayna qaadatay, waa maxay jihaadka la sheegayo ee dadka Islaamka ah lagu leynayo?" ayuu madaxa CCD isweydiiyay isagoo sheegay in dalkan kuwa dhibaatada ku haya ay ka soo weerareen saddex jiho oo kala ah: dhallinyarada, dhaqanka iyo diinta.

Sidoo kale, guddoomiyaha CCD wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada looga baahan yahay inay u midoobaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen dalkooda kuwa dhibaatada ku haya ee shacabkooda barakicinta ku haya.

Ugu dambeyn, waxaa khudbad soo jeediyay guddoomiyaha haweenka CCD, Sahra Maxamed Amiin iyo xoghayaha degmada Howl-wadaag Cusmaan C/lle Mataan, kuwaasoo kula dardaarmay ka qayb-galayaasha dood-cilmiyeedka inay ka faa'iideystaan waxyaabihii ay halkaan ka barteen.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya