4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Halkaan ka Akhriso War-Murtiyeedkii Shirkii Soomaalida ee Toddobaadkii la soo dhaafay lagu qabtay Magaalada Lonodon

Muqdisho, May 12, 2013 (HOL) - Shirka Soomaaliya wuxuu ka dhacay Lancaster House 7 Maajo 2013, waxaa si wadajir ah u martigeliyay Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya, waxaana ka soo qayb-galay konton-iyo-afar saaxiibada iyo shariikyada Soomaaliya ah.

Waxaan kulaney waqti ahmiyad sare u leh Soomaaliya. Sannadkii la soo dhaafay, siddeedii sano ku meelgaarka ahaa ee Soomaaliya ayaa soo af-jarmay waxaana ay Soomaaliya dooratay Dowlad, Madaxweyne iyo Baarlamaan cusub oo sharciyaddoodu ka wanaagsan tahay kuwii hore. Amniga ayaa soo hagaagaya, iyadoo Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyo kuwa Itoobiya ee ay is-bahaysiga leeyihiin, ay Al Shabaab kala wareegayaan magaalooyin iyo waddooyin. Tirada weerarrada burcad-badeedda ee ka dhacay xeebaha Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay. Macaluushii ayaa meesha ka baxdey. Qurbajoogga ayaa bilaabey in ay soo noqdaan. Dhaqaalaha ayaa bilaabey in uu dib u soo noolaado.

Haseyeeshee culeysyo badan ayaa jira. Al Shabaab ayaa wali halis ku ah nabadda iyo amniga. Dastuurku ma dhammeystirna. Burcad-badeednimada iyo argagaxisonimada ayaa weli ah halis jirta. Malaayiin ayaa weli ku nool xerooyinka qaxootiga iyo kuwa Dadka Gudaha Dalka Ku Barakacay.  Dalka  ma laha dhismooyin dowladeed ee horumarsan, dugsiyo, isbitaallo, fayadhowr iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku talagashay qorsheyaal ku jira Siyaasaddeeda Lixda Tiir oo ay kula tacaalayso culeysyadan.  Shirkan, ayaa beesha caalamka waxay isugu yimaadeen in ay isla qaataan tallaabooyin la fulin karo oo lagu taageerayo qorsheyaasha Dowladda Federaalka ee saddex dhinac oo muhiim ah – amniga, caddaaladda iyo maareynta maaliyadda dowladda. Dowladda Federaalka waxay soo bandhigtay himiladeeda ku aadan hirgelinta hannaanka federaalka, qaadashada dastuur joogto ah iyo qabashada doorashooyin.  Waxaan sidoo kale ku heshiinay in aan ka wada-shaqayno wax ka qabashada xadgudubka jinsiga ee ka jira Soomaaliya.

Waxaan isku afgaranay in iskaashi dhex mara Soomaaliya iyo beesha caalamka uu aasaas u noqdo wadashaqeynteenna mustaqbalka: beesha caalamka waxaa ka go’an in ay bixiso taageero isku-dubbariddan oo joogto ah looguna talagalay hirgelinta qorsheyaasha Dowladda Federaalka.

SIYAASADDA:

Waxaan isla garanay in horumarka siyaasadeed uu yahay xalka lagu xaqiijinayo xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Waxaan soo dhaweynay qorsheyaasha Dowladda Federaalka ee lagu xallinayo arrimaha dastuurka ee dhiman, oo ay ka mid yihiin awood-qaybsiga, khayraadka iyo dakhliyada ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo gobollada. Waxaan kaloo soo dhaweynay ballan-qaadka Dowladda ee ay ku qabanayso doorashooyin dimuqraaddi ah sanadka 2016-ka. Waxaan mar kale ku celinney taageeradeenna ku aaddan dhisidda awoodda hay’adaha dimoqraadiyadda ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo laga bilaabayo taageeridda doorashooyinka degaanka ee ka dhacaya Puntland bisha soo socota.

Waxaan soo dhaweynay wadahadalka ku saabsan dhismaha mustaqbalka Soomaaliya ee u bilawday Dowladda Federaalka iyo gobolada. Waxaan soo dhaweynay horumarka ku saabsan sameynta maamul goboleedyo waxaana rajo wanaagsan ka sugeynaa dhammeystirka geeddi-socodka. Waxaan ku boorrinay gobollada in ay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka si ay u sameystaan siyaasad qaran oo midaysan oo la jaanqaadeysa dastuurka ku meel-gaarka ah.

Waxaan soo dhoweyney Shir-madaxeedkii Aan Caadiga ahayn ee IGAD, ee Addis Ababa lagu qabtey 3dii Maajo oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn, kaas oo ku heshiiyey qaabka looga wada-hadlayo arrimaha gobolka. Waxaan ku han-weynahay horumar kale oo lagu gaaro shir ay IGAD yeelato oo ka barbar dhaca Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee bisha Maajo.

Waxaan soo dhaweynay wadahadalladiii Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex maray Ankara bishii Abriil 2013 si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka, iyada oo laga ambaqaadayo kulankii Chevening ee bishii Juun 2012, waxaana soo dhaweynay war-murtiyeedkii Ankara. Waxaan ka mahad-celinney doorkii fududeynta ee uu ciyaarey Turkiga.

Waxaan soo dhaweynay ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee ku jira dastuurka, iyo ballan-qaadka Dowladda Federaalka ee ay ku xaqiijinayso xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay dhisidda Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee madaxbanaan. Waxaan kaloo soo dhaweynay ballan-qaadka Dowladda Federaalka ay ku ilaalinayso carruurta iyo haweenka, ayna ku qaadeyso tallaabooyin ay ku soo af-jarayso ku lug lahaanshaha carruurta ee dagaalada. Waxaan ammaanay booqashadii dhowaan Wakiilka Gaarka Qaramada Midoobay  ee Arrimaha Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda ay ku tagtey Soomaaliya, iyo qorshaha lagu sameynayo koox isugu jira khubaro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah oo soo diyaarinaya talooyin ku aaddan sida wax looga qaban karo xadgudubyada jinsiga.  Waxaan isku af-garanay doorka muhiimka ah ee warbaahinta xorta ah ee madaxbannaan ay ku leedahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynay ballan-qaadka Dowladda Federaalka ay ku baarayso dacwadna ugu soo oogeyso kuwa mas'uulka ka ah dilalka weriyeyaasha, iyo in ay kor u qaadayso xorriyadda saxaafadda. 

AMNIGA:

Waxaan ku waafaqney aragtida Dowladda Federaalka ee ah in amniga uu aasaasi u yahay horumar laga gaaro kale dhammaan dhinacyada kale. Waxaan ammaanay geesinimada iyo dadaalka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyo kuwa ka barbar dagaalamaya. Waxaan u muujinay mahadnaq dalalka bixiyey ciidamada iyo booliska.  Waxaan si xamaasad leh u soo dhaweynay guulaha ay ciidamada ay Al Shabaab kaga xoreeyeen magaalooyin iyo waddooyin. Waxaan ku celcelinay baahida loo qabo maalgelin ku filan AMISOM oo joogto ah, waxaan soo dhoweyney taageerada ay ilaa haatan ay wada-hawlgalayaashu bixiyeen, waxaana u baaqney deeq-bixiyaal cusub si ay gacan uga geystaan. 

Waxaan soo dhaweynay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay qaado mas'uuliyad amniga Soomaaliya. Waxaan soo dhaweynay qorsheyaasha Dowladda ee qaabka ammaanka qaranka iyo horumarinta ciimadeeda qalabka sida, oo ay ku jirto mideynta maleeshiyaadka, iyo booliska. Waxaan soo dhaweynay ballan-qaadka ku aaddan in qaab-dhismeedyada amniga uu ahaado mid lala xisaabtamo, loo dhan yahay, dheelitiran oo la sii wadi karo; ayna xushmaynayaan in rayidku xukumo, talinta sharciga, iyo xuquuqda aadanaha. Waxaan aqoonsaney baahida loo qabo taageero gacan looga siinayo Dowladda in ay maareyso dagaalyahannada isa soo dhiiba.

Waxaan oggolaanay in aan teegeerno hirgelinta qorsheyaasha amniga Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan iyadoo loo marayo qaab-dhismeedyada jira. Waxaan sidoo kale oggolaanay in aan bixinno gargaar ay isku-dubaridistiisu/xiriirintiisu lahaaneyso Dowladda Federaalka.

Waxaan soo dhaweynay waqti-kordhinta sanadka ah ee hawlgalka AMISOM loogu kordhiyay Qaraarka 2093 ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaan xusnay in xayiraadda hubka ee qayb ahaan loo qaadey uu ka dhigan yahay aqoonsi la aqoonsanayo horumarka siyaasadeed, waxaana ku boorrinay Dowladda Federaalka in ay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa deriskaba.

Waxaan ku ammaanay Soomaalida iyo la-hawlgalayaasha/shariikyada caalamiga ah horumarka laga sameeyay la dagaalanka burcad-badeednimada ee sannadkii la soo dhaafay oo ay ku jiraan dadaallada Puntland iyo maamullada kale ee gobollada iyo degaamada waxaana aan soo dhaweynay Istiraatiijiyadda Amniga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Federaalka.  Waxaan ku celcelinay sida ay nooga go'an tahay in aan Soomaaliya kala shaqayno ciribtirka burcad-badeednimada iyo dembiyada kale ee ka dhaca badda, waxaana muujinay taageerada aan u hayno dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka ee ay ku xaqiijineyso sameynta biyaha Soomaaliya oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay, taas oo gacan ka geysanaysa ilaalinta khayraad baddeeda ee qaniga ah iyo soo nooleynta hawlaha dhaqaale, sidoo kale joojinta kulluumaysiga sharci-darrada ah iyo sunta lagu shubo. Waxaan soo dhaweynay taageerada caalamiga ah ee lagu kobcinayo awoodda amniga badda ee Soomaaliya waxaana rajo wanaagsan ka sugaynaa shirka Imaaraadka Carabta ee Midoobey (UAE) ee Dubai lagu qaban doono 11-12 Sebtembar. Waxaan soo dhaweynay dadaallada socda ee wada-hawlgalayaashu/shariikyadu ay cadaaladda ku horkeenayaan kuwa ka dambeeya burcad badeednimada iyo dadaallada wanaagsan ee ka socda Soomaaliya iyo gobolkaba. . Waxaan aqoonsannay baahida loo qabo in dadaalladan lagu kaabo hawl laga qabto dhulka oo lagu soo saarayo maciishado baddel u ah iyo taageero la siiyo beelaha ay saameysay burcad-badeednimada. 

GARSOORKA IYO BOOLIISKA:

Waxaan soo dhaweynay himilada Dowladda Federaalka ee ah in la helo nidaam cadaaladeed oo xoogan loona siman yahay oo aan eex lalahayn oo taabogal ah. Waxaan ammaanay qorshe-hawleeddeeda cadaaladda ee mudnaanta degdegga ah kala siineysa nooca gargaarka ay u baahan tahay, laguna sameeyay Shirkii Dib-u-habeynta Garsoorka ee Muqdisho lagu qabtay, waxaana si xamaasad leh u soo dhaweynay sida ay wada-hadalka uga qayb-galeen dhammaan kuwa ay arrintu khuseyso.

Waxaan soo dhaweynay qorshe-hawleedka afarta-sano ah ee Dowladdu ku dhiseyso adeeg boolis oo lala xisaabtamo, waxtar leh iyo waxqabad leh oo ay helaan Soomaalida. Waxaan oggolaanay in aan gargaarkeenna loogu talagalay cadaaladda iyo booliska aan waafajinno oo aan hoos geyno qorsheyaasha Dowladda Federaalka. Waxaan ka dhur-sugeynaa sameynta Sanduuq Sarreynta Sharciga loogu talogaley, oo hoos imaanaya hoggaanka Dowladda Federaalka, waxaana ku martiqaadnay UNDP iyo Dowladda Federaalka in ay habab heshiis lagu yahay ee maamul iyo farsamo ee sanduuqa ay ku soo bandhigaan Shirka Brussels ee la qaban doono bisha Sebtembar. 

Waxaa naga go’an in aan taageerno dadaalada Dowladda si ay ula dagaalanto argagaxisonimada. Nidaamka cadaaladda dambiga la xiriirta ee badbaadsan eena dhaqan galaya, oo ay ka mid yihiin aasaasidda iyo ilaalinta xabsiyo lagu maamulayo ayadoo la xushmaynayo sharafta aadanaha, waxay noqonayaan nuxurka awoodda ay Soomaaliya kula tacaalayso argagaxisonimada oo ah hab addeecsan xuquuqda aadanaha oona yareynaya halista ka imaanaysa Al Shabaab mustaqbalka fog.

MAAREYNTA MAALIYADDA GUUD EE DOWLADDA: 

Dowladda Federaalka waxay muujisey sida ay uga go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo in ay maalgeliso adeegyada guud. Waxaan soo dhaweynay qorshaha afarta sano ee Dowladda ay ku aasaasayso nidaamyo maareynta maaliyada guud ah oo daahfuran lana dhaqan galin karo. Waxaan ku boorrinay Dowladda Federaalka in ay abuurto xakamayn aad u adag iyadoo u marayso hawlgalada Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid yihiin warbixin dadweynaha loo bandhigo oo laga diyaariyo miisaaniyadaha, kharashaadka iyo hanti-dhowrka. Waxaan ballan-qaadnay isu-duwidda gargaarka ayadoo loo marayo hay’adaha ay u sameysey Dowladda. .

Waxaan aqoonsanney maaliyad-yaraanta Dowladda baahida degdegga ah ee loo qabo taageero muddo gaaban socota si loo bixiyo lacagaha mushaaraadka iyo hawlgalada ku baxa inta ay socota dib-u-habeynta lagu sameynayo maareynta maaliyadda guud iyo ilaa dakhli dad ku filan gudaha laga aruurin karo. Sidaa daraaddeed waxaan soo dhaweynay abuuridda ay Dowladda Federaalka abuurtay Qayb Maaliyad Gaar ah (Special Financing Facility) oo ka dhigan fursad hore oo Dowladda Federaalka ku muujineyso ballan-qaadkeeda ku aaddan sida ay uga go’an tahay wada-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maaliyadeed.

Iyadoo la tixraacayo wixii ka soo baxay kullankii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee G8, waxaan soo dhaweynay dib-u wadashaqaynta Hay'adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, iyo Hay'adda Lacagaha Adduunka), oo ay ku jirto aqoonsiga IMF ee Dowladda Federaalka iyo horumarka lagu gaarey Kullankii Gu’ga.

Waxaan aqoonsanay muhiimadda ay leeyihiin maalgashiga iyo kororka dhaqaalaha si loo kordhiyo dakhliga gudaha.  Waxaan dhiirrigelinney maalgelin lagu sameeyo Soomaaliya, annagoo garowsanayna doorka muhiimka ah ee qurba-joogtu ay ka ciyaari karaan.

DIB U HABEYNTA MAALIYAD-BIXINTA:

Dowladda Federaalka waxay ka codsatay la-hawlgalayaasheeda/shariikyadeeda caalamiga ah in ay maaliyad siiyaan qorsheyaasha qaran ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka waxay muujisey sida ay uga mahadcelineyso taageerada laba-geesoodka ah oo la si wado waxaana la-hawlgalayaasha/shariikyada weydiisatey in ay maaliyaddooda u soo mariyaan hababka ay kula heshiyeen Dowladda Federaalka, sida Qaybta Maaliyad-siinta Gaarka ah (The Special Financing Facility) iyo  Sanduuqa Sarreynta Sharciga (The Rule of Law Fund) mar kasta oo ay suuragal ah.  Waxaan ka dhur-sugeynaa sameynta qaabab maalgelineed oo muddada dheer loogu talagalay Soomaaliya oo uu ka mid yahay Sanduuqa  Deeq-bixiyaasha Kala-duwan ee Bangiga Adduunka (World Bank Multi-Donor Trust Fund) ee muhiimka u ah sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka maaliyadda Soomaaliya ay la leedahay Hay’adaha Maaliyadda Caalamiga.

XASILINTA:

Waxaan soo dhaweynay dadaalada Dowladda Federaalka ay ku sameynaysay hindiseyaal waaweyn oo khuseeya xasilinta, oo ay ka mid tahay istiraatiijiyadda guud ee dagaalyahannada isa soo dhiiba, hababka kale ee khilaafaad xallinta iyo dhallinta halista ku jirta. Dowladda Federaalka waxay codsatey taageero degdeg ah oo loogu talagalay mashaariicda xasilloonida, si maamulada degaanka loo siiyo awood ay ugu adeegayaan dadweynahooda.  

QOXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA GUDAHA:

Waxaan aqoonsanay muhiimadda ay leedahay kordhinta dadaalada lagu abuurayo xaaladaha keeni kara in si iskood ah ay dib ugu soo noqdaan iyo dib u dhexgelinta bulshada ee Dadka Gudaha Ku Barakacay (IDPs) iyo qaxootiga, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxaan ku ammaanay wadamada deriska la ah gargaarka iyo ilaalada ay siiyeen qaxootiga, Waxaanna ku heshiinney in aan sii wadno taageerada aan ka siineyno culayska ay garbaha ugu dhiganayaan. Waxaan aqoonsanay in soo noqoshada qaxootiga iyo Dadka Gudaha Ku Barokacay ay dhacdo marka ay sii wanaagsanaato xaaladda ammaanka ayna kordhaan fursadaha maciishadeed. Waxaan taageernay wada-hadalka seddax-geesoodka ah ee ay bilaabeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo UNHCR si ay u sameeyaan habab iyo qaab loogu talagalay in si ammaan ah, nidaamsan oo waarta loogu soo celiyo oo dibna loogu dejiyo qaxootiga Soomaaliyeed si khiyaari ah oo aan juujuub lahayn, waxaana ka dhur-sugeynaa shirka soo socda ee lagu qabanayo Nayroobi.

DOORKA URURRADA CAALAMIGA AH IYO TAAGEERADA CAALAMKA:

Waxaan aqoonsanay doorka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaana soo dhaweynay dalaalkooda ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta muddada fog.. Waxaan hoosta ka xariiqnay muhiimadda xiriirka dhow ee labada hay’adood la leeyihiin Dowladda Federaalka, ururo-goboleedyada iyo kuwa caalamiga ee kale, iyo Dalalka Xubnaha ka ah. Waxaan soo dhaweynay abuurida Hawlgalka Cusub ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ee laga fulinayo Soomaaliya waxaana ka codsanay Qaramada Midoobay in ay dhaqan-geliso hawlgalka marka la gaaro taariikhda bartilmaameedka ah ee 3 bisha Juun.  Waxaan aqoonsanay doorka muhiimka ah ee dalalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ku leeyihiin xasilloonida mustaqbalka fog ee gobolka, waxaana ku boorrinay IGAD in ay sii waddo dadaalka lagu dhiirrigelinayo wada-hadal iyo isfahanka. Waxaan hoosta ka xariiqnay muhiimadda tallaabada Midowga Yurub ay leedahay iyadoo loo sii marayo ballan-qaadyadooda ku aaddan dhinacyada amniga, horumarka iyo gargaarka bani’aadamnimada. Waxaan sidoo kale aqoonsanay doorka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Shirka Islaamka.

Waxaan aqoonsanay taageerada qiimaha leh ee ay bixiyeen shariikyada xiriirrada laba geesoodka ah, waxaan ku boorrinay in ay sii wadaan dadaalladooda iyada oo ayna ka wada xiriirayaan kuwa kale.

Waxaan aqoonsanney in Shirka Soomaaliya uu ahaa mid ka mid ah dhacdooyinka taxane ah ee 2013 loogana gol lahaa in taageero caalami ah loogu fidiyo Soomaaliya. Waxaan rajo wanaagsan ka sugaynaa Shirka Gaarka ee la qorsheeyay kuna saabsan Soomaaliya ee looga hadlayo qorshaha horumarineed ee bulsho iyo dhaqaale ee ka barbar-dhici doona Shirka Caalamiga ah ee Tokyo ee Horumarka Afrika (the fifth Tokyo International Conference on African Development/TICAD V) ee shanaad lana qabanayo dabayaaqada bisha Maajo. Annaga oo ku xisaabtameyna sida ay Dowladda Federaalka ah uga go’an tahay hirgelinta Heshiiska Cusub ee qaramada xaaladdoodu aaney sugneyn kaas oo leh qaab Iskujira, waxaan soo dhaweynay dadaalada Soomaaliya ay ku sameynayso qorshe dib-u dhis dhammeystiran oo ay ku jiraan waxyaabaha Soomaaliya ay mudnaanta siinayso oo ku saabsan siyaasado loo dhan yahay, amniga, cadaaladda, aasaas dhaqaale, dakhli iyo adeegyo. Waxaan rajo wanaagsan ka sugaynaa shirka Midowga Yurub/Soomaaliya ee lagu qabanayo Brussels bisha Sebteembar.

GEBO-GEBO IYO GUNAANAD:

Shirka waxaa uu isla oggolaaday in Soomaaliya ay sameeysay horumar mug leh. Waxaana aan u tahniyadaynay dhammaan kuwa suurtagaliyay horumarkaa, oo ay ugu muhiimsan yihiin dadka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, Xubnaha Baarlamaanka, ururada bulshada rayidka ah iyo qurba-joogta. Waxaan ammaanay dadaalka joogtada ah ee la-hawlgalayaasha/shariikyada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ka codsanay in ay taageeradooda natiijooyinka ku wajahan sii wadaan.  Waxaan aqoonsanay baahida loo qabo in si dhakhso ah loo adkeeyo horumarka waxaana ku celcelinay go'aankeenna adag ee ah in Soomaaliya la taageero ilaa mustaqbka fog.