4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Ciidammo Booliis ah oo Cusub oo lasoo dhoobay Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho oo Horay u Xirnaa

Axad, May 12, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo fara badan ayaa lasoo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho sida isgoyska KM-4 kuwaasoo kala hagayay gaadiidka, waxaana la sheegay in ciidamadan ay ka mid yihiin ciidammo ay dowladdu u diyaarisay inay sugto ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Askartan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay xirnaayeen dhar cusub oo aan horay loogu arag booliiska Soomaaliya, iyagoo jidadkii horay u xirnaa u diidayay inay maraan gaadiidka yaryar qaarkood, kuwo kalena sii daynayay.

 “Tani waa qayb ka mid ah qorshaha dowladdu ay ku sugayso ammaanka guud ee caasimadda,” ayuu yiri sarkaal hoggaaminayay ciidamadan oo la hadaly warbaahinta Muqdisho qaarkeed.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in gaadiidka ay u ogol yihiin inay waddooyinkaas maraan ay yihiin oo keliya kuwa ay wataan shaqaalaha dowladda Somalia oo weliba la hubiyay kaararkooda shaqada, isagoo xusay in gaadiidka kale aan loo ogoleyn inay jidadkaas maraan.

Gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo ka yimid garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa laga celiyay inay maraan isgoyska KM-4, kuwaasoo maray jid ay maraan gaadiidka dadweynaha, waxaana arrintaas aad u hadal-hayay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa waxay xirnaayeen tan iyo Axaddii lasoo dhaafay markaasoo uu Muqdisho ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray gaadiid ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Qatar, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in weerarkaas lagu dilay madaxii sirdoonka dalka Qatar oo wafdigan la socday.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo taliyaha cusub ee ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. C/kariin Saacid uu xilkiisa la wareegay shalay oo Sabti ahayd, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sugidda amniga magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya