4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Dowladda Suudaan oo Hal Milyan oo EURO ugu Deeqday Soomaaliya Taasoo Qayb ka ah Yabooha Beesha Caalamka


Axad, May 12, 2013 (HOL) — Dowladda Suudaan ayaa Soomaaliya ugu deeqday hal milyan oo Euro si ay qayb uga noqoto barnaamijka lagu horumarinayo Soomaaliya oo dhawaan shirkiisa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, Cali Karti ayaa ku dhawaaqay in Suudaan ay ku deeqayso hal milyan oo lacagt Yurub ah ee Euro si loogu xoojiyo barnaamijka horumarineed ee caalamku ka fulinayo Soomaaliya.

Suudaan ayaa ka mid ahayd dalalkii ka qaybgalay shirkii London ee looga hadlayay horumarita Soomaaliya, waxaana shirkaas uu ahaa kii labaad oo Soomaaliya loogu qabto London si loogu ururiyo yabooh dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo.

“Dowladda Soomaaliya waxy u baahan tahay taageero caalami ah si ay u dhaliso nabad,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Suudaan oo intaas ku daray in nabadda ay tahay midda keliya ee sababi karta in dalka uu horay uga socda halka uu maanta taagan yahay.

Mudane Cali Karti wuxuu hadalkiisa raaciyay in dowladdiisa Suudaan ay mar walba garab taagan yahay Soomaaliya, isagoo xusay inay Soomaaliya siiso 10,000 oo waxbarasho jaamacadeed oo bilaasha ah si sare loogu qaado aqoonta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tababarro siinnaa ciidamada booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka iyo waxbarashada dhinaca caafimaadka ah,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in marnaba aysan joojin doonin kaalmooyinka noocaas oo kale ah.

Dalal fara badan oo kasoo qaybgalay shirkii London ayaa ku yaboohay lacago fara badan oo ay ugu talogaleen dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ay arrintaan si weyn u soo dhaweysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya