4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Hay’adda SWDC oo Deeq ka kooban Qalab Waxbarasho iyo kuwo Caafimaad ku Wareejisay Wasaaradda Adeegga Bulshada (SAWIRRO)


Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Xarunta SWDC (Somali Women Developments Center ayaa waxay maanta ku wareejisay deeq isugu jirta qalab waxbarasho iyo mid caafimaad ku wareejisay maanta oo Sabti ah wasaarada adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, waxaa deeqdan ay ka mid timid dadka Mareykanka, taasoo ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan Soomaaliya.

Ururinta deeqdan ayaa waxaa ka qayb qaadatay Hay’adda SOMCARE oo inta badan ka shaqeysa u gargaarka ummadda Soomaaliyeed, waxayna deeqdan ay soo gaarsiiyeen haya’dda SWDC oo maanta wareejisay.

Xiriiriyaha hay’adda SWDC, Maryan Daqal Xuseen ayaa deeqdan guddoonsiisay agaasimaha qaybta haweenka iyo caruurta ee wasaaradda adeegga bulshada, Maxamed Cumar. Agaasimaha oo goobta ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dadkii soo dhiibay deeqdan isagoo sheegay in deeqdan ay u timid xilli caruurta Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen.



Maxamed Cumar waxaa sidoo kale u mahadceliyay haya’daha SOMCARE iyo SWDC oo uu sheegey inay yihiin Hay’ado go’aansaday sidii shacabkooda ay u caawin lahaayeen, isagoo kula dardaarmay inay howlahooda halkaas kasii wadaan; deeqaha noocan oo kale ahna ay si aad ah ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Maryan Daqal Xuseen oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa u mahad-celisay hayaadda SOMCARE oo ay sheegtay in la’aanteed aysan soo gaari lahayn deeqdan shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku boorsisay inay halkaas kasii wadfo howlaha ay bulshada Soomaaliyeed ugu adeegayaan, waxayna sidoo kale mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradda adeegga bulshada u soo jeediasay inay deeqdaas gaarsiiyaan dadkii loogu talo-galay.

Deeqdaan oo ka koobanayd qalab waxbarasho iyo mid caafimaad ayaa waxaa ka mid ahaa: buugaag, qalimaan iyo qalab kala duwan oo ay caruurtu ku ciyaaraan. Qalabka caafimaadka ayaa waxaa iyagana ka mid ahaa daawooyin loogu talo-galay dadka dhaawaca ah, kuwa nafaqada iyo noocyo kala duwan oo lagu tacaalo cudurrada kala duwan ee dalka ka jira.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya