4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Dagaal Beeleedyo Khasaare badan geystay oo ka dhacay Deegaan ku dhow Degmada Mandheera ee Dalka Kenya

Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya laba beelood oo shalay ka dhacay deegaanka Raamo oo ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu sababay in deegaanka qaybo ka mid ah ay burburaan dadkii ku noolaana ay isaga barakacaan, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaan dagaallo la xiriira dhul daaqsimeed horay u dhexmaray beelahan.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa sheegay in beelahan dgaalamaya oo Soomaali ah horay loo dhex-dhigay heshiis nabadeed balse ay ku dhaqmi waayeen, haddana dib dambe loo fariisin doono.

”Ciidammo booliis ah ayaan u dirnay deegaanka uu dagaalku ka dhacay, xabbadiina way joogsatay, balse weli xiisado ayaa jira,” ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Mandheera isagoo sheegay inay ka hortagyaan xabbad kale oo dhacda.

Beelahan ayaa la sheegay inay isku haystaan dhul, iyadoo dagaal beeleedyada ka dhaca dalka Kenya ay intooda badan salka ku hayaan is-qabqabsi dhinaca dhulka ah, waxaana dagaalkan uu noqonayaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya soo mara.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu saameyn weyn ku yeeshay deegaanka, iyagoo maamulka gobolka iyo kan Mandheera ku eedeeyay inay dayaceen deegaanka, taasina ay keentay inay dagaalladu soo laabtaan.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkan ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka degmada Mandheera halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo degmada dhexdeeda si aad ah looga hadal hayo dagaalka ka dhacay Raamo iyo khasaaraha uu geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya