4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
JEN. CADDE MUUSE XIRSI: "Qof walba oo Puntland jooga waa og-yahay inay dhibaato ka jirto Deegaannada Puntland"


Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maanta shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.

Gen. Cadde ayaa tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee Puntland ay xilligan la joogo tahay mid aan degeneyn, isagoo ka digey khilaaf siyaasadeed oo hor leh, kuna baaqay in laga fogaado wax walba oo nabadda iyo xasiloonida wax u dhimi kara.

“Waxa hadda aan ka hadlayo ninkasta oo caqli lihi waa ogyahay. Nin kasta oo jooga Puntland waa ogyahay in dhibaato weyni ka jirto wadanka, wixii aan ka digeynay waa kuwa hadda dhacay…” Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa yiri.

Dhinaca doorashooyinka soo socda iyo ururada siyaasadda ee Puntland ka hanaqaaday mar uu ka hadlayey, wuxuu ku tilmaamay kuwo aan sharci ahayn oo dimuqraadiyadda ka fog.

“Shuruucdii la rabay oo dhan ayaa ka maqan, dimuqraadiyad waan rabnaa, laakiin xisbiyadu kuwo soconaya ma ahan. Ninkii wax garad ah yuusan yeelin khasab baan ku marinayaa xisbiyadaas”

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynihii hore ee Puntland ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada in nabadda la dhowro, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo midnimada iyo xasiloonida wax u dhimi karta.

Hadalka Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo aadaya maalin kaddib, markii ay shalay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta oo ka gadoodsan mushahar la’aan bilihii u danbeeyey soo wajahday, ay xoog kula wareegeen, islamarkaana ay muddo saacad ka badan haysteen, xarumo dowladeed oo muhiim ah -oo ku yaal magaalada Boosaaso - kuwaasoo ay kamid yihiin: kantaroonlka Boosaaso laga galo, Dekedda iyo Bankiga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya