4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Kooxaha hubeysan oo Muqdisho ku Toogtay laba Ruux oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugidda

Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir saakay aroortii hore laba qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeeyeen dilka labadan qof ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda, iyadoo kooxihii dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

“Dhallinyaro tiradooda aan ku qiyaasay laba illaa saddex ayaa toogashada u geystay labadan qof ee la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir, wayna baxsadeen. Xaaladdu waxay noqotay mid cabsi leh, waayo ciidammo badan ayaa kusoo yaacay xaafadda, baaritaano ayayna sameeyeen,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa deggen xaafadda uu dilku ka dhacay oo gellinkii dambe ee maanta la hadashay warbahinta.

Haweeneydan oo magaceeda kusoo koobtay Nuuro ayaa sheegtay ina labada ruux ee la dilay ay ahaayeen laba ruux oo inta badan isla socon jiray, aadna ay uga naxeen dilkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay labadan ruux ee la sheegay inay ka tirsanaayeen  ciidamadeeda nabadda suga, iyadoo ay tani qayb ka noqonayso dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.

Ma jirto cid loo qabtay dilkaas, iyadoo ciidammo badan ay maanta oo dhan baaritaanno ka wadeen xaafadaha degmada Kaaraan qaarkood, iyagoo dad badan oo ay xaafadaha kasoo qabteen markii dambe sii daayay.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xoogag taabacsan ay ka howlgalaan magaalada Muqdisho ayna beegsan doonaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabadsugidda loo yaqaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya