4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wefdi Ballaaran oo uu Horkacayo oo si diirran Loogu soo dhoweeyey Garoowe [SAWIRRO]


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mas'uuliyiin ka socdey goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland , islamarkaana uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wefdiga Ra'iisul wasaaraha si diirran garoonka ugu soo dhoweeyey.

Wefdiga Mudane Saacid oo intaas kaddib loosoo gudbiyey dhinaca aqalka madaxtooyada ayaa halkaas qado sharaf kula qaatay madaxda ugu sareysa  Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole).

Ra'iisul wasaaraha oo qadada kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey dadweynihii garoonka kusoo dhaweeyey iyo weliba madaxda maamulka Puntland.

Wuxuuna intaas raaciyey in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu Puntland ugala hadli lahaa arimo badan oo khuseeya danaha dalka, islamarkaana uu filayo in kulamada uu madaxda Puntland la qaadan doonaa ay noqonayaan kuwo is-afgarad kusoo idlaada.

"Waan ku kalsoonahay wadahadalada aan geli doonnaa inay noqon doonaan kuwo mira dhal ah oo dalka iyo dadkaba anfaca... waxan si gaar ah ugu hanbalyeynayaa dowrkii ballaarnaa ee ay reer Puntland kasoo qaateen dib u dhalashadii Soomaaliya.." Ra'iisul wasaare Saacid ayaa yiri.

Madaxweyne Faroole oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isna sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixisya sidii loosoo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo aan kumeel gaar ahayn.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay in Puntland iyo dhinacyada kale ee Soomaalidaba uu xil ka saaran yahay in ay dhowraan qarannimada ayna ka shaqeeyaan maslaxadda guud ee dalka.

"Ku faani mayno abaalkaas aan galnay, anagaa  isu galnay Soomaaliyana waan u galnay waana nagu waajib, waajibkaasina waa nawada saaran yahay, waxan maanta halkan isugu imaaneynaa waa maslaxadda Soomaaliya, soomaalida oo dhamina way ina eeganeysaa iyo beesha caalamku,” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Waa markii ugu horeysey tan iyo markii uu xilka qabtay Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu booqasho kusoo gaaro Puntland. Ra'iisul wasaaraha iyo wefdigiisu inta ay Puntland ku sugan yihiin waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda Puntland.












Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya