12/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 08-da Maarso oo lagu Qabtay Stockholm (SAWIRRO)


Sabti, March 09, 2013(HOL): Munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, iyadoo munaasabaddanna ay ka qeybgaleen xildhibaanno iyo wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Munaasabadda oo lagu qabtay Maqaayadda Jubba ayaa waxaa qabanqaabadeeda iska kaashaday Ururrada Nordicsom iyo Xaawo Taako oo isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la weyneeyo maalinta loo sameeyay haweenka adduunka ee 8-da Maarso.

 

Guddoomiyaha Ururka Xaawo Taako Sahro Barqadle ayaa munaasabadda furtay, waxayna sheegtay in ay isugu yimaadeen in ay xusaan oo ay weyneeyaan maalinta haweenka adduunka oo sanad kasta la xuso marka la gaaro 8-da Maarso.

 


Sahra Barqadle waxaa ay xustay in Ururkooda uu geed dheer iyo mid gaabanna u koray sidii loo soo dhicin lahaa xuquuqda dumarka Soomaaliyeed, waxayna sheegay in ay dareemayaan in halgankoodaas uu miro dhalay bacdamaa hadda dowladda federaalka Soomaaliya ay ku jiraan haween badan oo ay ugu horreeyaan Drs. Maryan Qaasim iyo Fowsiyo Xaaji Aadan oo xilal waa weyn ka haya Dowladda.

 

”Hadda waxaan rabnaa in door ka qaadanno nabadda iyo dib-u-heshiisiinta waxaana dooneynaa in aan gogol nabadeed dhigno magaalooyinka Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, halkaasna looga hadlo aayaha dalka Soomaaliyeed iyo in ay dadka intey gacmaha isqabsadaan ay meel uga soo wada jeestaan dib-u-dhiska dalkooda oo muddo dheer burbursanaa”ayay tiri Sahra Barqadle oo intii ay munaasabadda socotay haddiyad la guddoonsiiyay, taasi oo ay ku heshay doorkeeda ku aaddan wax-u-qabashada dumarka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib oo ah Guddoomiyaha Nordicsom ayaa hadalkii furitaanka munaasabadda ka jeediyay, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda lagu xusayo 8-da Maarso, wuxuuna caddeeyay in ay wax weyn ahayd in Ururrada Nordicsom iyo Xaawo ay isla qabtaan munaasabadda.

 


Xildhibaan Dayib waxaa uu intaas ku daray in munaasabadda ay kala soo qeybgaleen Xildhibaan Sacdiyo Careys Ciise iyo Wasiiradda horumarinta iyo adeegga bulshada oo ka yimid Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay taasi farxad weyn u tahay.

 

Isagoo ka hadlayay Haweenka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in haweenku ay sharfan yihiin, xaqoodana aan la dafiri karin, wuxuuse haweenka xusuusiyay in aysan gebin kaalinkooda, ”Waxaan leeyahay haddii aad shalay ragga markii ay dagaalka ku jireen aad gadaashooda ka mashxaradeyseen, maantana waxaa la idinka rabaa in aad nabadda wax ka raadisaan oo aadan ragga kaliya ku eegin in ay haddana nabaddii iyagu kaliya keenaan”ayuu yiri C/llaahi Xaaji Dayib.

 

Wuxuu taageeray mashruuca ay waddo Wasiiradda horumarinta iyo adeegga buslhada Drs. Maryan ee kaasi oo magaciisu yahay One Million, wuxuuna sheegay in haddii ay ka qeybqaataan dadka Soomaaliyeed in la horumarin karo adeegyada bulshada oo ay ugu muhiimsan yihiin Waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

”Soomaalida intii ay dhisi lahaayeen Dubai, South Africa iyo Kenya waxaa la gudboon in ay dhisaan oo ay dhaqaalahooda geliyaan dalkooda, waayo dal waxaa dhisa dadkiisa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan C/llaahi Xaaji Dayib.

 


Xildhibaan Sacdiyo Careys oo lagu soo dhaweeyay hadalka ayaa iyaduna sheegtay in dalka Soomaaliya uu maanta taagan yahay heer nabaddiisii ay soo laabaneyso, sidaas darteedna waxay Soomaalida dibadaha ku nool ka codsatay in ay dalkooda ku laabtaan, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiskiisa iyo soo celinta nabaddiisa.

 

”Sida la idiin sheegayba waxaan ka imid Xamar, haddana waan ku laabanayaa, waxaanse idiin sheegayaa in nabadda soo iftiimeysa ay qeyb weyn ka geysteen Soomaali dibadaha ka laabatay oo aan badneyn, haddiise dadka Soomaliyeed dibadaha ku nool, kuwooda kaalin ka geysan kara dalka in uu sidiisii ku soo noqdo ay ku noqdaan uu dalka isbedel muuqdo geli doono”ayay tiri Xildhibaanad Sacdiyo Careys.

 

Mar ay isbarbardhig ku sameyneysay ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ayay sheegtay in raggu ay 40 sanadood hoggaanka dalka u hayeen, ayna dalka dhibka uu ku jiro u horseedeen, ”Haddii muddadaas dheer aad dalka soo hoggaamineyseen isla markaana aad keeni weyseen wax la taaban karo, waxaan leenahay hadda dumarka hala tijaabiyo”ayay hadalkeeda ku sii dartay.

 

Xildhibaan Sacdiyo oo hadalkeeda sii wadatay waxaa ay ka hadashay doorka Wasiirradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee soo celinta adeegyada bulshada, waxayna sheegtay in Drs. Maryan ay halgan ugu jirto arrintaas, ayna Isbitaallo la dhisayo dhagax dhigtay, sidoo kalena ay waxbarashada dhinaceeda dadaal midkaas ka baaxad weyn ugu jiro. ”Waxaana leeyahay aan taageerno halganka Drs. Maryan, dalkana yaan lagu halleynin dhaqaale laga soo baryo dalala kale ee ku soo noqda oo dhaqaalihiina geliya”ayay tiri Xildhibaanadda.

 


Wasiiradda horumarinta iyo adeegga bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa hadalka lagu soo dhaweeyay, waxayna ugu horreyn ka taariikheysay heerarka kala duwan ee ay soo martay xuquuqda haweenka, waxayna xustay in xuquuqda haweenka ay si cad u sheegtay diinta Islaamka, ”Dumarka waxay karaamo iyo qaddarin heleen markii ay diinta Islaamka timid, ka horna tacaddiyo ayaa lagu heyn jiray dumarka . Sida aan la wada soconno Islaamka ma dhihin dumarka hala cadaadiyo, gabadhana waa baran kartaa waxa uu wiilku barto”ayay tiri Drs. Maryan Qaasim.

 

”Dumarku wax bey baran karaan, wey ganacsan karaan, taasina waxaa marag u ah in markii Nabigeenna CSW uu guursanayay Khadiija ay ahayd haweeney ganacsi heysata oo weliba aqoon sare u leh arrimaha ganacsiga”ayay tiri Drs. Maryan oo intaas ku dartay in dadka Islaamka ah ay xuquuq heysteen Yurub oo xuquuq dumar u doodeysa. ”Hadda weli dalalka Yurubta xuquuq ma heystaan dumarka  waayo waxaa tusaale u soo qaadan karaan dalka Ingiriiska oo aan ka soo shaqeeyay haddii wiil iyo gabar isku waxbarasho ah ay meel ka wada shaqeeyaan wiilka ayaa mushaar badan, taasina weli ma aqaano halka ay ka soo qaateen”ayay tiri Drs. Maryan oo ka hadlaysay xuquuqda dumarka ee reer galbeedka.

 

Dumarka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysay gudaha dalka Soomaaliya ayay ka hadashay, waxayna xustay in dumar badan oo Soomaaliyeed oo ku nool meelo aanan adeegyo bulsho lahayn ay dhibaatooyin soo gaaraan. ”Saacaddan aan idinla hadlayo 2 Milyan oo Dumar Soomaaliyed ayaa dhiig-baxaya ama dhimmanaya sabab la xiriirta iyagoo umul-raacanaya ama siyaabo kale u dhiig-baxaya. Annaga oo kale waaye dumarkaas fursadda aan helnay ayaysan helin maahee”ayay tiri Drs. Maryan Qaasim.

 


Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Aamina Saciid oo Xildhibaan ka soo ahayd Dowladdii Federaalka Soomaaliya, waxayna ayidday hadalka Wasiirradda, iyadoo dadka Soomaaliyeed ka codsatay in ay gurmadaan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, dhanka xuquuqda dumarka Soomaaliyeedna waxay xustay in loo baahan yahay in dib loo xusuusto haweenka doorkooda iyo in ay door muhiim ah ka ciyaari karaan dib-u-dhiska dalka iyo soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii.

 

Maryan Jeesto ayaa sidoo kale ka hadashay munaasabadda, waxayna ku dheeraatay ka taariikheynta haweenka Soomaaliyeed iyo halganno kala duwan oo ay ka soo qeybqaateen, ”Haweenka waxay ka qeybqaateen Halgannadii Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kii SYL , laakin markii dambe waxaa meel la iska dhigay doorkii haweenka Soomaaliyeed, inkastoo dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ay haweenka xuquq siisay”ayay tiri Maryan Jeesto.













 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
3/9/2013 12:05 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guushii uu madaxweynaha cusub ee Kenay, Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii madaxnimo ee dalkaas, waxayna ballanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta kala dhexeysa Kenya.

3/9/2013 11:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir saakay aroortii hore laba qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

3/9/2013 11:07 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

3/9/2013 8:08 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ciidamadii Soomaaliya ee dhawaan qatay degmada Ufurow ee gobolka Bay ayaa dib u soo laabtay Baydhabo, kaddib markay ku sugnaayeen labo maalmood, waxaa kaloo magaalada Baydhabo soo buux-dhaafiyey ciidamadii ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Berdaale, Qansax-dheere iyo deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.

3/9/2013 7:58 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo qaybiyay nuqullada dastuurka dalka kaasoo dib u eegis lagu sameynayo, iyadoo kulanka uu khudbad dheer ka jeediyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta shacabka.

3/9/2013 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo mas’uuliyiintaas, kaddib shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta ay ku qabteen magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

3/9/2013 6:55 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad.

3/9/2013 6:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Munasaabad lagu xusayay sannadguuradii 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jaamacadda Banaadir ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaas ay kasoo muuqdeen ku dhowaad 100 arday oo xilligan ka qelin-jebisay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

3/9/2013 4:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee waamo Stadium ee magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhiirigelinayay nabadda iyo isdhaxgalka Bulshada.

3/9/2013 3:07 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo ay u muuqato in looga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa diidan inuu qirto arrinkaas xilli la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay.

3/9/2013 1:36 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Sanad kasta 08-da bisha Maarso oo ku beegneyd maalintii shalay waxaa ay ku asteysan tahay maalinta haweenka aduunka, waxaana meelo badan oo caalam-ka ka tirsan looga dabaal-dagaa xuska maalinta haweenka.

3/9/2013 1:25 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysy oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku aado Puntland.

3/9/2013 12:54 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Fartuun Cabdisalaam Xaaji Aadan oo ah madaxa hay’adda Elman ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay shalay oo Jimco ahayd doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.

9/3/2013 12:10 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha isbahaysiga Jubilee ee dalka Kenya, isla marakana ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumaddii hore, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorshada madaxnimo ee dalka Kenya, kaddib markii helay codadkii loo baahnaa.