4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Fartuun Cabdisalaan oo ka mid noqotay Sagaal Haween ah oo Mareykanku uu Guddoonsiisay Abaalmarino (SAWIRRO)

Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Fartuun Cabdisalaam Xaaji Aadan oo ah madaxa hay’adda Elman Peace ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay shalay oo Jimco ahayd doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.

Xaflad lagu qabtay magaalada Washington oo loogu dabbaal-degayay 102-sano guuradii kasoo wareegtay maalinta haweenka adduunka ee 08-da Maarso ayaa haweenkan lagu guuddoonsiiyay abaalmarinnada, waxaana ka mid ahaa haweenka abaalmarinta la guddoonsiiyay gabar u dhalatay dalka Hindiya oo u dhimatay kufsi ay u geysteen rag fara badan.

“Dumarkan waxay u istaageen sidii ay wax uga qaban lahaayeen falalka ka baxsan bani’aadamnimada ee lagula karo dumarka, kuwaasoo dalalkooda ay iska indho-tirayeen si ay xuquuqda haweenka u dhowri lahaayeen,” ayay tiri marwada koowaad ee dalka Mareykanka Michael Obama. Iyadoo haweenka kale ee dunida ugu baaqday inay ku daydaan haweenka abaalmarinta la siinayo.

Haweenka ay dowladad Mareykanka abaal-marinta guddoonsiisay ayaa u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Hunduras, Afgaanistaan, Nigeria, Siiriya,  Ruushka, Shiinaha, Fiyetnam iyo Hindiya. Waxaana goobta abaalarinta lagu bixiyay ka maqnaa shan haween ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in haweenka abaalarinta la guddoonsiiyay ay ka mid tahay gabar u dhalatay dalka Hindiya oo u dhimatay kufsi fool xun oo lagula kacay, haweeney xabsi ku jirta, mid kale oo xabsi guri ku xukuna iyo gabar uu sheegay inay magaceeda u qariyeen sababo ammaankeeda la xiriira.

Sidoo kale, Kerry wuxuu sheegay in maamulka Barack Obama uu ku daray waxyaabaha udub dhexaadka u ah siyaasaddiisa dibadda sidii loo difaaci lahaa xuquuqda haweenka, isagoo xusay in safaaradaha Mareykanka ee ku firirsan caalamka ay billaabeen barnaamijyo lagu difaacayo xuquuqda dumarka.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha ay ku xusheen in Fartuun Cabdisalaan ay ka mid noqto haweenka abaalmarinta ay siinayaan ayuu sheegay in muddo dheer ay kala shaqeynaysay seygeedii sidii ay caruurta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad iyo waxbarasho wanaagsan, balse seygeedii Elman ayaa la dilay sannadkii 1996-kii.

“Fartuun muddo ayay kala shaqeynaysay seygeedii geeriyooday nabadda iyo waxbarashada, waxaana markii seygeeda lagu dilay shirqool ay maleegeen hoggaamiye kooxeedyo; waxay saddexdeeda gabdhood ula carartay dalka Kanada halkaasoo ay kusoo korsatay, balse sannadkii 1997-kii oo ay colaado badan jireen waxay ku laabatay Muqdisho si ay howshii samafalka ahaa u sii waddo, kuwaas iyo kuwo kale oo badan ayay ku mutaysatay abaalmarinta,” ayuu yiri Kerry.

Haweenkan ayaa waxay safarro ku kala bixin doonaan guud ahaan gobollada dalka Mareykanka, iyagoo ugu dambeyn isugu tegi doona magaalada San Diego ee gobolka California si ay isku dhaafsadaan waxyaabaha ay soo arkeen ayna uga hadli lahaayeen sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen horumarinta haweenka iyo gabdhaha caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya