4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Hoos u dhaca Doollarka waxaa sabab u ah Shilinka oo Suuqyada ku yaraaday”


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal  kama dambeys ah loogu heli lahaa.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in hay’adaha dowaladda ee dhaqaalaha ay ku howlan yihiin sidii isbedel loogu sameyn lahaa dhibaatadan, isagoo baaq u diray adduunka si ay gacan uga geystaan sidii loo caawin dadka danta yar ee uu saameeyay isbedelka sarifka doollarka.

Sarifka lacagta doollarka oo aad hoos ugu dhacday ayaa waxay saameyn weyn ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan kuwa danta yar, kuwaasoo lacagihii ay heli jireen aysan ku filnayn intii ay ku filnaan jireen.

Dadweynaha ayaa waxay ka cabanayaan sircir-bararka ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah, iyadoo dadweynaha ay ka dalbadeen dowladda inay wax ka qabato sarifka doollarka oo gaaray meel aanu weligiis gaarin.

Madaxweynaha Soomaaliya ma uusan sheegin habka ay dowladdu uga hortagayso qiimo dhaca ku yimid doollarka, sidoo kalena ma uusan sheegin xilli cayiman oo ay dowladdu tallaabo qaadayso, iyadoo wax iibsiga suuqyada uu aad u yaraaday dadkuna ay fajacsan yihiin.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxu imaanayaa iyadoo xildhibaanadu ay ka dalbadeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa maaliyadda inay hor-yimaadaan baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya