4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shaaciyay in dib u eegis lagu sameyn doono Dastuurka Dalka


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay si rasmi ah u daah-furayaan maalinta berri ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasoo ay horay si KMG ah ugu ansixiyeen ergo lasoo xulay.

Furitaanka kulankan dib loogu eegayo dastuurka dalka ayaa lagu casuumay dhammaan guddiyadii madaxa-bannaanaa kuwaasoo marti ku noqon doona madasha, isla markaana xildhibaannada kala qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona 9:00 aroornimo barri oo Sabti ah.

“Dib u eegista uu golaha shacabku ku sameynayo dastuurka dalka waa mid inoogu fadhida muhiimad weyn; waayo qaybihii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed oo aynu la kulannay intii uu xirnaa kal-fadhigii koobaad ee baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno dastuurka dalka; haddaba inagoo fulineyna codsigii shacabka ayaynu maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah-furi doonnaa dib u eegista lagu sameynayo dastuurka,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ku yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Prof. Jawaari wuxu ku boorriyay shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay si toos ah isha ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha baarlamaanka, isla markaana aysan shacabku hada iyo goor ka leexan inay talooyinkooda sidan oo kale toos ugu soo gudbiyaan guddoonka baarlamaanka, iyagoo golaha shacabku uu had iyo goor u taagan yahay inuu sidan oo kale ugu shaqeeyo tallooyinka qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dib u eegista lagu sameynayo dastuurka dalka ayaa waxay socon doontaa muddo aan la cayimin, waxaana muddadaas laga doonayaa dadweynaha in ay si joogto ah ula socdaan qoddobada uu baarlamaanku ka doodayo si ay uga soo dhiibtaan talooyinkooda; iyagoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhex-mari doona guddoonka golaha shacabka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan; kuwaasoo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya