4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka Warbixiyay Safarkii uu ku Tagay Degmooyin ka tirsan Gobolka Galguduud (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa galabta shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warbixiyay safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya  iyo cunno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay gobolka Galguduud ee Soomaaliya uu ahaa mid kusoo dhammaaday guul; isagoo sheegay inuu gobolkaas kusoo arkay dad u heelan dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyn ballaaran kala kulannay magaalada Dhuusamreeb iyo degmooyinkii kale ee aan tagnay aniga iyo waftigii ka koobnaa labada gole ee dowladda, waxaana garoonka nooga horyimid kumannaan dadweyne ah, taas waxay muujinaysa dadku sida ay ugu heellan yihiin dowladnimada lagu tallaabsaday, waxaana u sheegnay inaan ka caawin doono dhanka nabadda iyo horumarinta adeegyada asaasiga u ah nolosha, waxaan kaloo dadka u sheegnay inay mas’uul ka yihiin sidii ay u dhisan lahaayeen maamullo,”  ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex-maray Ahlusunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya kaasoo ah mid dowladda ugu fadhiya muhiimad gaar ah marka laga eego dhanka dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

“Dowladdu waxay heshiis la saxiixatay Ahlusunna oo in muddo ah dagaal kula jiray Al-shabaab oo nabadda kasoo horjeedda, waana bogaadinaynaa sida ay u soo bilaabeen halganka ay kaga sifaynayeen kooxdaas deegaanka ay ku sugan yihiin, heshiiskaas wuxuu dowladda u lahaa ahmiyad gooni ah, wuxuuna dhabaha u xaarayaa sidii ciidamada Ahlusunna ay uga mid noqon lahaayeen ciidanka Qaranka iyagoo ballan-qaaday inay ka dhabeyn doonaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen dowladda,” ayuu yiri Saacid oo hadalkiisa ku daray in maamulka Ximin iyo Xeeb ay iyaguna ballanqaadeen inay dowladda la shaqeyn doonaan, waxayna ka codsadeen in dowladdu ay barnaamijyo wax loogu qabanayo u samayso dhallinyarada ka waantoobay falalkii burcad-badeednimada ahaa oo hadda ku sugan qaybo ka mid ah deegaanada uu ka taliyo maamulkaas.

Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay cunno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya taasoo fursad u siinaysa dowladda inay tayeyso ciidamadeeda.

“Aad ayaan u soo dhaweynaynaa in laga qaado Soomaaliya cunno-qabateynta hubka, waana dadaal ay dowladdu samaysay muddadii yarayd ee ay jirtay, taas macnaheedu maahan in hubka dowladda gacanteeda soo gala loo maamulayo qaab qaldan, arrinkaas waxaa naga saaran mas’uuliyad taasoo ah in shacabkeenna uga difaacno kooxaha nabad-diiddan, maxaa yeelay dowladda waxaa mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii ammaanka loosoo celin lahaa, waxaan u muujinaynaa niyad-wanaag dadka ka qaba walaacana waxaan u sheegaynaa inay ku kalsoonaadaan in hubkaas loo isticmaalo si masuuliyad daro ku jirto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cuna qabatayta hubka ee la qaaday ay muujinayso dhamaystirka qaranimadii Soomaaliya, maxaa yeelay ma jiro aduunka dowlad aan xaq u lahayn inay soo iibsato hub ay ku difaacdo dadkeeda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online,
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya