4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Maanta kala wareegay Al-shabaab Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay

Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa saakay 9:00 aroonimo la wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay, halkaasoo ay ka talinaysay Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay.

Ma jiraan wax iskahorimaad ah oo ay kala kulmeen xoogagii Al-shabaab eek u sugnaa degmadaas oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bay, iyadoo Al-shabaab isaga baxday halkaas saacado ka hor intii aysa ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya gaarin degmadaas.

Waxaa la sheegayaa in ciidamada isbahaysanaya ay kusii jeedaan degmada Diinsoor oo ka mid ah oo ah degmooyinka weli gacanta ugu jira Al-shabaab oo horraantii sannadkii lasoo dhaafay laga qabsaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Degmooyinka Ufuroow iyo Diinsoor ayaa isku jira 4O-km, iyadoo la wareegista degmada Ufuroow ay halis ku tahay degmada Diinsoor oo ah taliska ugu wayn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolkas.

Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn kuwa AMISOM ayaa waxay gacan ka siiyaan ciidamada dowladda dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyagoo tan iyo sannadkii 2011 gacan weyn ka geystay qabashada degmada xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, sidoo kalena waxay gacan ka geysteen in Al-shabaab laga qabsado degmooyin kale oo fara badan.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada maanta laga qabsaday degmada Ufuroow oo ka mid ah degmooyinka ay awoodda badan ku lahaayeen sannadihii lasoo dhaafay.

Hiiraan Online , Baydhabo