4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Tirinta Codadka Doorashooyinka Kenya oo dib loogu laabtay iyo Natiijada ugu Horreysa oo soo baxaysa Jimcaha Berri ah


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Guddiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay inay dib ugu laabteen tirinta codadka doorashooyinka, kaddib markii ay xumaadeen qalabkii lagu tirin lahaa codadka, iyagoo sheegay inay natiijadu soo bixin doonto berri oo Jimco ah.

Xarunta Bomas ee magaalada Nairobi oo lagu tirianayo codadka ayaa waxaa la isugu geynayaa dhamaan saraakiishii maamulaysay 290 xarumood ee ay ka socdeen doorashooyinka Kenya, iyadoo tirintu halkaas si toos ah uga socoto.

Tirinta codadka ayaa waxay laga yaabaa inay qaataan maalmo, laakiinse guddiga doorashooyinka ayaa sheegaya in maalinta berri ah la heli doono natiijada, inkastoo ay guddigu fursad u haystaan inay muddo hal todobaad ah ku dhawaaqaan natiijada, taasoo noqonaysa in illaa maalinta Isniinta ah lagu dhawaaqo natiijada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya, Axmed Isaaq Xasan ayaa ugu baaqay shacabka dalka Kenya inay dulqaad muujiyaan, iyadoo ay marba marka ka dambeysa ay sii kordhayso walaaca ay dadweynuhu ka qabaan natiijooyinka daahay.

Warqadihii doorashada ee la hallaabay oo tiradoodu ka badan tahay 320,000 ayaa waxaa ka taagan muran, iyadoo haddii codadkan lagu daro tirinta guud ay saameyn ku yeelato tirada laga doonayo inuu helo qofka doorashada kusoo baxaya oo laga doonayo 51% codadka guud.

Dib ugu laabashada tirinta codadka doorashooyinka ayaa waxay meesha ka saartay natiijooyinkii hordhaca ahaa ee maalmahan soo baxayay, kuwaasoo uu ku horreeyay ra’iisul wasaare ku xigeenka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Codadka la tiriyay ee soo baxaya ayaa waxaa ku horreeya Uhuru Kenyatta oo haysta 1.8 milyan oo cod, halka uu Raila Odiga oo ay tartan xoog leh ku jiraan uu isna haysto 1.3 milyan cod.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya