4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Dagaalyahanno ka Tirsan Al-shabaab oo ku dhintay Qarax weyn oo ka dhacay Degmada Buulo-barte ee Gobolka Hiiraan

Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhintay qarax weyn oo shalay gellinkii dambe si lama filaan ah uga dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, iyadoo aanay jirin wax war ah oo Al-shabaab kasoo baxay.

Wararka laga helayo Buulo-burte oo ah degmada labaad ee gobolka Hiiraan ugu weyn ayaa sheegaya in 10 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisran ay ku dhiteen halkaas oo lagu farsameynayay waxyaabah qarax, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Al-shabaab ay isku wareejiyeen guriga uu qaraxu dhacay.

“Qaruxu wuxuu ahaa mid xooggan oo degmada oo dhan gilgilay, waxaa ku dhintay in ka badan toban dagaalyahan, dadkana waa loo diiday inay arkaan guriga oo gabi ahaan burburay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas oo la hadlay saxaafadda.

Magaalada Buulo-burte oo 120-km dhinaca Koonfeed kaga beegan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka talisa Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay weli dhaqdhaqaaqyo kawadaan gudaha degmada, iyadoo weli dadka loo diidayo gurigii uu qaraxa xooggan ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guryo ay Al-shabaab ku farsamayenayeen waxyaabaha qaraxa ay qaraxyo xooggan ka dhacaan, iyadoo Al-shabaab aysan ka hadlin qaraxyada noocan oo kale ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya