4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Xukuumadda Seychelles oo Maxaabiis ku xukuman Burcadbadeednimo kusoo wareejisay Dowladda Puntland [SAWIRRO]


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxaa duhurnimadii maanta garoonka magaalada Boosaaso soo caga dhigatay diyaarad siddey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qabtay ku lug lahaanshaha falal burcad-badeednimo.

Maxaabiistan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla jasiirada Seychelles, halkaas oo la geeyey kaddib markii  ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeedku ay qabteen.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu horkacayey wasiirka dekedaha, gaadiidka badda iyo la-dagaalanka burcad-badeedka Eng. Siciid Maxamed Raage, ayaa garoonka kula wareegey maxaabiistan oo ay weheliyeen mas'uuliyin ka tirsan waaxda la-dagaalanka burcad-badeedka ee Seychelles.

Wasiirka oo garoonka dhexdiisa warbaahinta kula hadlay ayaa  ka warbixiyey qaabkii ay ku suurtagashay in maxaabiistan burcad-badeednimada ku xukuman Puntland lagu soo wareejiyo, wuxuuna tilmaamay in arintani ay tahay mid ay horay labada dhinac -Seychelles iyo Puntland- ugu heshiiyeen.

Mar la weydiiyey ujeedada laga leeyahay wuxuu xusay in ay tahay si maxaabiistan, maadaama ay Soomaali yihiin fursad loogu siiyo in xukunkooda inta uga dhiman ay dalkooda ku qaataan, haseyeeshee aan wax isbedel ah haba yaraatee lagu sameyn doonin xukunkii horay ugu dhacay.

Hanry Joseph oo ah kaaliyaha Booliska Seychelles ee dhanka la-dagaalanka burcad-badeedka, islamarkaana weheliyey maxaabiista maanta Boosaaso laga soo dejiyey ayaa isna dhankiisa si weyn ugu mahad celiyey dowladda Puntland, wuxuuna tilmaamay in tallaabadani ay hordhac u tahay heshiis ay Seychelles iyo Puntland horay u kala saxiixdeen.

Maxaabiista qaarkood oo iyaguna warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa muujiyey dareen farxad leh oo ku aadan in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, waxayna ammaan u jeediyeen dowladda Seychelles iyo maamulka Puntland.

Sagaalka nin ee maanta magaalada Boosaaso laga soo dejiyey waxay hordhac u yihiin 25-nin oo burcad-badeednimo ku xukuman, kuna jira xabsiyo ku yaalla jasiiradda Seychelles, kuwaasoo ay horay maamulka Puntland iyo Seychelles ugu heshiiyeen in inta xukunkooda ku dhiman ay ku qaataan xabsiyada waaweyn ee Puntland.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya