4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Ciidamadda Amniga Somaliland oo Xabsiga dhigay Sheekh Maxamuud Geelle oo dhaliilay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa shalay xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ka dib markiii uu dhaliilo usoo jeediyey wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale.

 Sheekhu waxa uu sheegay in hanti badan oo uu wasiirka Maaliyaddu u isticmaalayo ololaha loogu jiro gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE uu laba meelood uun midkood, kuwaas oo uu xusay inay ama ka soo gashay urur-diimeedka uu sheegay inuu ka tirsan yahay iyo inay tahay hantidii ummadda Somaliland uu u hayey.

“Wasiirka Maaliyadda waxaan leeyahay waxa laysla dhex marayaa in habeen dhaweyd aad hotelka Maansoor Casuumad balaadhan aad ku sameysay oo dhaqaale badan aad ku bixisay, haddaba wasiir  waxaan u malaynayaa in aanay lacagtaasi ahayn hanti meel kuu taalay, ee laba mid uunbay ka timid ama waa hantidii dadkani lahaa ama waa hanti kaa soo gashay ururka aad ka tirsan tahay ee Islaax”ayuu yidhi sheekh Geelle oo ka hadlayey hanti uu sheegay inuu ku ololaynayo wasiirka Maaliyadda Sheekh Cabdicasiis Samaale.

Waxa kale oo uu Sheekh Maxamuud shirkiisii jaraa’id ee Sabtidii dorraad uu ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ku soo qaaday wasiirka Daakhiliga Somaliland, Maxamuud Nuur Caraale (Duur) oo uu ku dhaliilay hadal isburinaya oo uu sheegay inuu wasiirku ummadda Somaliland marar kala duwan u sheegay.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha, maalin dhaweyd wuxuu sheegay in Ammaanka Somaliland uu yahay Boqolkiiba Boqol mid sugan, gaaladuna been sheegayaan, malaha adigu gaal odhan mayside, imikana waxaad sheegtay in Ingiriiska iyo gaaladu run sheegeen, Amni darradii Ingiriisku sheegayeyna ay Somaliland xididada u siibtay ayaad warbaahinta u sheegtay, Wasiir ma maalinta horraad khaldanaydoo waxba maad ogeyn, mise maantaad khaldantahayoo dan kale ayaa soo gashay meesha. Midna Somaliland qaadan maysoo in masuul dawladeed uu hadalkiisu isburiyo, Adaanay dhib kugu tahay If iyo Aakhiro meel uun ku adkayso ayaan ku leeyahay.”ayuu yidhi sheikh Geelle oo uu durayey hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Sidoo kale, Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu  sheegay inay jiraan kooxo mijo-xaabinaya nabadgelyada ummadda Somaliland, waxaanu yidhi:  “Kooxda koowaad waa kooxda la baxday Siyaasiyiinta. Kooxda labaad waa niman isku sheega Culimo, oo yidhaahda Diintaanu metelaynaa. Labadaas kooxood oo is-garabsanaya oo maslaxada diinta iyo maslaxada dadka midna aan eegayn, ayaa waxay rabaan sidaan anigu arkayo inay mijo-xaabiyaan Amniga illaahay ku arsaaqay dadkan (Subxaanuhu watacaalaa).”

Ugu dambayntiina waxa uu Sheekhu ka hadlay ururo diimeed oo uu sheegay inay doonayaan inay nabadgelyo-darada Somalia ka jirta u soo xawilaan Somaliland, isaogo ugu baaqay in aanay dadkooda u horseedin dhibaato.

Sheekha ayaa la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay xarunta laanta bileyska ee baadhista dambiyada (CID) ee Hargeysa, ilaa hadda ma jirto war ay taliska Bileyska iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka soo saareen xadhiga Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, inkastoo bilihi ina soo dhaafay dhawr jeer oo hore la xidhay haseyeeshee aan maxkamadda la geyn.

Wadaadkan ayaa ah sheikh hadalo cad oo aan la gaban wuxuu aaminsan yahay, waxaanu inta badan madarasado diinta lagu baro dadka waaweyn ku leeyahay xaafadaha magaaladda Hargeysa, isla markaana  ay gabi ahaanba yihiin qaar uu bilaash wax ku baro, isagoo ka soo horjeedda in dadka diinta baranaya laga qaado wax lacag ah.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland