4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Kooxo Hubeysan oo saakay Toogtay Haweeney ka Shaqeynaysay Mid ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay saakay oo Isniin ah xaafadda Nnasteexo ee degmada Wadajir gabar ka howlgalaysay mid ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Haweeneyda la dilay magaceeda lagu sheegay Xabiibo Cali ayaa waxaa toogtay laba wiil oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo maydka gabadhaas loo celiyay gurigooda oo aan goobta ka fogeyn.

“Gabadha la dilay waxay ka howlgalaysay isbitaalka Daarul-shifa oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana la toogtay iyadoo saakay shaqadeeda kusii socotay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka gabadhan, iyadoo kooxihii dilka fuliyayna ay goobta ka baxsadeen, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay sidoo kale shalay kooxo hubeysan ku toogteen degmada Wardhiigley gabar ardayd ah, taasoo aan la ogeyn sababta loo dilay.

Falalkan ayaa waxay qayb ka noqonayaa falalka ammaan-darro ee kusoo laalaabanaya magalaada Muqdisho, iyadoo aysan saraakiisha ammaanka ee dowladda ka hadlin falalkan.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga maqlaa rasaas iyo qaraxyo, kuwaasoo u muuqda inay soo xoogeysanayaan, inkastoo aysan xilliyadan jirin baaritaanno ay ciidamada dowladdu ka sameyn jireen gudaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya