4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaranka oo loo Sameeyey Mudane ka tirsanaa Golaha Guurtida (SAWIRRO)


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweyaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay aas Qaran oo loo sameeyey Marxuun Aadan Shire Faarax (Sanweyne) oo ahaa xildhibaan golaha guurtidda oo xalay ku geeriyooday jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa oo uu daad ku qaaday.

Aaskan loo sameeyey xildhibaankan geeriyooday oo ka mid ah odayaaashii ka qaybqaatay nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Somaliland oo muddo dheer ku jirtay golaha Guurtida, ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, waxaanay aaskaasi ka soo qaybgalay shirgudoonka golaha Guurtidda, Wakiiladda, xildhibaano, wasiiro, madaxweynaha  iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray Golaha Guurtida , Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii  Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dira aa intii ku geeriyootay shilkaasi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi geeriyooday. waxaanu Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

waxa kale, oo madaxweynuhu uu intii ku dhaawacan tahay shilkaasi alle uga baryayaa inuu ka caafiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida , Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay siyaasiyiin iyo madax dhaqameed ka sheekeeyey taariikh nololeedkiisi iyo kaalintii uu bulshada ku baneeyey.







Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland