4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo geeriyooday kaddib Markii uu qaaday Doox u dheeeya Berbera iyo Hargeysa

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) —Allaha u naraxiistee waxaa shalay galinkii dambe dooxa weyn ee Lafa Ruug oo ku yaalla jidka mara Berbera iyo Hargeysa, uu qaatay xildhibaan Aaden Shirre Faarax (San-weyne) oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland iyo afar qof oo la socday, inkastoo saddex ka mid ah shantaasi qof laga badbaadiyey.

Xildhibaan Sanweyne ayaa la socday Gaadhi Laankuruusal ah oo ay la socdeen shan qof, haseyeeshee nasiibdaro dooxaasi Lafa Ruug oo jidka ku soo rogmaday ayaa gaadhigii uu la socday qaatay, waxaana halkaasi ku geeriyooday xildhibaanka iyo haweenay la socday, halka sadexdii kalana Ilaahay badbaadiyey.

Marxuumkan Aadan Shire Faarax ayaa ilaa sideed saacadood la raadinayey raq iyo ruux mid uu yahay, waxaase xalay la helay goor dambe maydkiisa isaga iyo haweenay la socotay gaadhiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxa baryahan dambe Somaliland ka da’ayey roobab waaweyn, kuwaas oo waxyeelooyin u geystay gaadiid iyo dadba, waxaana la sheegayaa in dhawr baabuur oo kale uu dooxaasi ku yaalla Berbera iyo Hargeysa uu qaatay, inkasto aanay cidi ku dhiman, sidoo kale waxa uu daad qaatay laba baabuur oo kale oo marayey deegaanka Selel ee galbeedka Somaliland oo u socday dalka Jabuuti.

Waxyeeladda daadadkan ayaa soo badanaya, iyadoo inta badan wadooyinka ay ku soo rogmadaan wakhtiga roobabka daadad aad u faro badan oo waxyeela u geysta gaadiidka dhulkaasi maraya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawr maalmood ka hor markii uu ka soo laabtay Imaaraadka magaaladda Berbera u hoyday cabsi laga qabo inuu Dooxu soo rogmado awgeed,  waxaanu maalintii dambe galinkeedii hore soo maray jidkaasi, waxaanu indhihiisa ku soo arkay dhibaatada dooxyadaasi ku hayaan dadweynaha mara jidkaasi.

Inta badan dooxyadaa u dhexeeya Berbera iyo Hargeya ayaa gelinka dambe aad usoo rogmada, iyadoo mararka qaarkood roobab meelo fogfog ka da’ay ay biyihiisu soo maraan dooxyadaasi, kuwaasi oo halis ku haya dadweynaha iskaga kala goosha magaalooyinka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland