4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Dalka Kenya oo lasoo gabagabeeyay ola-olihii doorashada iyo Soomaalida oo isha ku haysa (WARBIXIN)

Kenyan election.jpg

Axad, March 03, 2013 (HOL) - Dadweynaha dalka Kenya ayaa maalinta isniinta ah u dareeri doona goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweynahoodii afraad.

Labada musharrax ee ugu cadcad ayaa kala ah Ra’iisul wasaaraha haatan xilka haya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta oo labaduba kasoo kala jeeda labo qabiil oo muddo dheer ku loolamayay siyaasadda dalka Kenya.

Inkastoo ay Kenya tahay wadan ku faana dimuqraadiyada ayaa haddana siyaasadda dalka ay si cad uga dhex muuqataa qabyaaladda, iyadoo rayi aruurinnta la sameeyay ay muujinayso in musharrixiinta gobollada ay qabaa’ilkoodu daganyihiin ay ku kala taageero badanyihiin, tusaale ahaanna Raila Odinga oo ah Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa cudud ku leh gobollada galbeedka dalka sida Nyanza iyo Western halkaasoo ay ku badanyihiin qabiilka Loa, halka gobolka bartamaha ee Central uu si buuxda ugu horreeyo Uhuru Kenyatta oo kasoo jeeda qabiilka Kikuyu.

Waxaana shalay ku ekaa wakhtigii loo qabtay ola-olaha doorashada, iyadoo labadan musharrax ay ku qabteen magaalada Nairobi isu soo soo baxyo ballaaran oo mid walba uu taageerayaashiisa kula hadlay.

Isbahaysiga Jubilee

Uhuru Kenyatta oo dalka kasoo qabtay xilal kala duwan, isla markaana hogaamiya xisbiga TNA oo kamid ah isbahaysiga Jubilee, ayaa dadweynaha kula hadlay fagaaraha beerta xorriyada ee Uhuru Park, halkaasoo ay soo dhoobteen kumannaan taageerayaashiisa ah.
Kenyan election 4.jpg


Uhuru oo uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Kenya Jommo Kenyatta ayaa taageerayashiisa ugu baaqay inay si xasillooni leh ku codeeyaan, isagoo sheegay in kiiska kaga furan maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka uu soo afjari doono, marka la doorto.

Isbahaysiga Cord


Raila Odinga ayaa isna taageerayaashiisa kula hadlay garoonka Nyayo Stadium, halkaasoo ay isugu soo baxeen kumannaan qof  oo taageera isbahaysiga uu hogaamiyo ee Cord.

Waxaana Raila uu ka codsaday dadweynaha inay si nabadgalyo ku jirto u dhiibtaan codkooda oo ay ilaaliyaan xasiloonada iyo ammaanka dalka.

Raila ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay saxaafaddu isla dhexmaraysay oo sheegayay inuu diido doono natiijada haddii laga guulaysto.

“Waan aqbalayaa waxkasta oo ay natiijadu noqoto, wax walba waxaa ka horreeya ammaanka iyo midnimada dalkeenna” ayuu u sheegay Raila dadweynihii goobtaas isugu yimid.

Kenyan election 5.jpg

Khudbadii Madaxweynaha

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee dalka Kenya Mwai Kibaki oo farriin u jeediyay dadka wadankiisa ayaa ku boorriyay in xasiloonada la ilaaliyo oo cashar laga barto wixii dhacay sannadihii 2007-2008-dii.

Waxaana Mwai Kibaki uu u gudbiyay Kenyaanka farriin ku aadan nabadgalyada, xilli uu kasoo muuqday telefishinka.

"Doorasho walba cid ayaa ku guulaysata, qofna waa laga adkaadaa , haweenka iyo raga Kenya ee doorashadan ku guulaysta, waxaan ku boorrinayaa inay guushoodu noqoto mid u horseeda inay u adeegaan wadankooda” ayuu yiri Madaxweyne Kibaki.

Ammaanka

Taliyaha ciidamada booliska ee Kenya David Kimaiyo ayaa sheegay inay xaqiijin doonaan ammaanka dadweynaha, iyagoo guud ahaanba dalka la dhigi doono 99,000 oo askari, kuwaasoo lagu baahin doono goobaha codadka laga dhiibanayo ee dacallada dalka.

“Dadka waxaan u sheegaynaa inay is dajiyaan oo codkooda u dhiibtaan si deggan, qofkii codeeyana uu gurigiisa natiijada ku sugo, ma ogolaan doono in dadka codeeyay ay kor dhoobtaan goobaha codbixinta, taasi waxay abuuri kartaa xasillooni darro” ayuu yiri mar uu ka hadlayay xaaladda amniga ee xilliga doorashada.

Haweenka
Kenyan elaction2.jpg


Martha Karua oo ah haweenay muddo dheer kasoo dhex muuqaatay siyaasadda dalka soona ahayd xildhibaanka deegaanka Gichugu ayaa ah haweenayda kaliya ee tartanka ku jirta.

Karua oo lagu yaqaanno hadalladeeda cadcad iyo sida muuqata oo ay uga qayb qaadato doodaha baarlamaanka ayaa soo noqotay wasiiradda cadaalada, iyadoo muddo dheerna u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda haweenka.

“Raggii waa ku guul darraysteen inay wax ka qabtaan horumarka dalka Kenya, markan waa in hooyooyinka lagu aaminaa dalka” ayay tiri mar ay la hadlaysay taageerayaasheeda.

Soomaalida oo isha ku haysa doorashada Kenya


Soomaalida u dhalatay dalka Kenya iyo kuwo kale ee daafaha caalamka ku nool ayaa si dhow u eegaya doorashadan.
kenya-election-dida.jpg


Marka laga soo tago dad ku dhow 3 milyan oo deggan gobolka waqooyi bari, Kenya ma ahan oo kaliya waddan ay Soomaaliya daris yihiin, ee waddan ay malaayiin dollar oo maalgashi ah ku leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, kuwaasoo qoysaskoodu qaar badan ay daganyihiin dalka Kenya.

Waxaana doorashadan oo ay u taaganyihiin 8 musharrax, taariikhda dalkan markii ugu horreysay isu soo taagay jagada ugu sarreysa nin Soomaali ah oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Dida.

Waxay kaloo Soomaalidu markii ugu horreysay cudud ku yeesheen deegaanka Kamakunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii ee maagalada Nairobi, halkaasoo oo markii ugu horreysay ay Soomaalidu ku yeelatay xildhibaan ku jira aqalka baarlamaanka, taasoo muujinaysa in caasimadda oo ah halka laga gooyo go’aanka dalka Kenya inay Soomaalidu saamayn buuxda ku yeelatay sanadihii u dambeeyay.

Waxaana Soomaalida Islii ku nool ee doorashada isu diwaan galisay ay gaaraysaa 27,000 oo codbixiyayaal ah, kuwaasoo intooda badan si cad kuugu sheegaya inay codkooda ku soo saari doonaan xildhibaan Yuusuf Xassan oo aan wali ka kicin dhaawac kasoo gaaray bumbo lagu weeraray xilli uu kasoo baxay masaajidka al-Hidaaya ee xaafada Islii.

Yusuf Hassan.jpg
Waxaana Yuusuf Xassan lagu ammaanaa inuu wax ka qabtay burburkii waddooyinka ee xaafada Islii, soo celinta nadaafada, iyo adkaynta hadafka siyaasadeed ee Soomaalida ku dhaqan deegaankaas.

Saamaynta Kenya ee gudaha Soomaaliya

Sababta keentay in Soomaali badan ay daneeyaan arrimaha Kenya, ma ahan oo kaliya dhanka ganacsiga, balse dhanka siyaasadda ayaa hadana ay labada waddan isa suranyihiin.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan ka tirsan ciidankeeda, kuwaasoo intooda badan ku sugan magaalo xeebeedka Kismaayo oo ay ka saareen kooxda Alshabaab oo ka talin jirtay deegaankaas.

Xilligaas kadibna Kenya waxaa ay bilowday taageero ay siinayso maamulka KMG ah ee Kismaayo oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo ku hawlan maamul u samaynta deegaanadaas, iyadoo arrintaas ay dawlada Soomaaliya u aragto xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

Waxayna taasi keenaysaa in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay isha ku hayso cidda ku soo bixi doonta doorashadan, maadaama hogaamiyaha soo socda ee Kenya uu go’aan ka gaari doono jaangoynta siyaasadda arrimaha dibadda ee ku wajahan Soomaaliya.

Kenyan election 7.jpg
Kenyan Election 8.jpg
Kenyan election 9.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya