4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Dubai kula Kulmay Caawa Mas'uul ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, iyagoo uga hadlay kulankooda arrimo la xiriira: ammaanka, dib u heshiisiinta harumarka iyo siyaasadda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, C/qaadir Sheekey Al-Xaatimi.

Intii ay wadahadalladu socdeen madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyay horumarka dhinaca ammaanka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay, iyo dib u soo laabashada deggenaasha qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

“Waxaan doonaynaa horumar intaas ka badan iyo in deggenaashaha dalka la xoojiyo. Sidoo kale waxaa socda dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada ammaanka. Ciidamadeennu hadda waxay ku jiraan tababar, dhawaanna waxay awoodi doonaan inay howshooda u gutaan si hufan u gutaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.



Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Xukuumaddu waxay ku howlan tahay inay ka hir-geliso deegaanno ku yaalla dalka mashaariic loogu talogalay horumarinta adeegyada bulshada. Waxaana ka dhisaynaa deegaannadaas shan mashruuc oo kala ah: isbitaallo, iskuullo, xarumaha maamulka, saldhigyada booliiska iyo ceelal degmo walba laga hirgelinayo, si dadkeennu u helaan adeegyada aasaasiga ah.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Imaaradka Carabta taageeradoodii hagar la’aanta ahayd ee ay siiyeen Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysteen dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxaa lagu gaaray heshiis ah in Imaaraadka Carabta ay dib uga furato Soomaaliya safaaraddeedii kaddib 22-sano oo ay xirnayd. Tallaabadan ayaa waxay muhiim u tahay xoojinta xiriirka labada dal u dhexeeya. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si caadi ah u shaqeynaysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya