4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Ururka NUSOJ oo soo dhaweeyay Xukunkii Dilka ahaa ee lagu Xukumay Ruuxii geystay dilkii Wariye Xasan Yuusuf Absuge


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay xukunkii ay maxkamadda ciidamada ku ridday gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge, iyadoo xoghayah guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq uu xukunkaas ku tilmaamay mid hoos u dhigaya dilalka loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maxkamadda milateriga dowladda Soomaaliya ayaa waxay shalay xukun dil ah ku ridday gacan ku dhiigley lagu helay inuu dilay wariye kaasoo lagu magacaabo, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen, iyadoo maxkaddu ay sii daysay ruux kale oo dilkan ku eedeysnaa.

“Tani tallaabadii ugu horreysay ee lagu xukumo gacan ku dhiigle dilay ruux wariye ah, waana tallaabo aan soo dhaweynayno,” ayuu yiri Cumar Faruuq  Cusmaan oo intaas ku daray: “Tallaabadan waa mid hoos u dhigaysa dilalka loo geysto suxufiyiinta.”

Gacan-ku-dhiiglaha ayaa waxaa soo xirta hay’adda nabadsugidda Qaranka iyagoo kusoo xiray bastooladdii uu ku fuliyay dilka wariye Absuge iyo isagoo xiran shaati uu ku yaallo dhiiggii wariye Absuge.

“Waan soo dhaweynaynaa go’aankanb waana cadaalad ay u baahnaayeen inay arkaan saaxiibadii Xasan Yusuuf Absuge iyo qoyskiisa,” ayuu yiri Cumar Faaruuq, isagoo intaas ku daray: “waxaan rajeynaynaa in cadaaladdaas oo kale ay maraan dambiilayaashii dilay wariyeyaashii kale ee saaxiibbadeen ahaa.”

Marxuum Absuge oo ka mid ahaa xubnaha NUSOJ ayaa wuxuu sidoo kale ahaa madaxa barnaamijyada Radio Maanta; waxayna rag hubeysan ku dileen isgoyska Baar Ayaan ee Dgemada Yaaqshiid, 21 September 2012 xilli uu kasoo baxay shaqadiisa.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu rido ruux loo haystay in uu wariye ku dilay magaalada Muqdisho, waxaana Absuge uu ka mid ahaa 18-wariye oo sannadkii lagu hore lagu qaarjiyay Soomaaliya.

NUSOJ waxay ku ammaanay xukuumadda Soomaaliya tallaabadan geesinimada leh ee ay qaadday, waxayna kula talisay in dambiilayaasha kale ee geystay dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta oo sida xorriyadda ah ku jooga magaalada.

Ugu dambeyn, xoghayaha guud ee NUSOJ wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay: “Xukunkan wuxuu farriin xoog leh u dirayaa kuwa geysnaya dambiyada ka dhan ah suxufiyiinta in sharciga la marsiin doono haddii ay falkaan oo kale ku kacaan.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya