4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Dhallinyaro Kooxo-Kooxo u Abaabulan oo xilliyada Habeenkii dhac iyo Kufsi ka geysta Magaalada Hargeysa ee Somaliland


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Dhallinyaro kooxo-kooxo u abaabulan ayaa la sheegay inay dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi ka geystaan xilliyada habeenkii ah magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo taliyaha booliiska uu sheegay inay xirxireen kooxo kuwaas ka mid ah.

Haween ku nool xaafado ka tirsan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in markii qorraxdu dhacdo aan dibadda loo bixi karin, iyagoo sheegay in koox dhallinyaro ah ay dhibaatooyin u geysanayaan hablaha, ayna mararka qaar galaan guryaha si ay dhac u geystaan.

“Waxaanu ka cabanaynaa dhallinyaro midkooda ugu weyn uu yahay 22-jir, halka midka ugu yarna uu yahay 18-jir oo dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka ku nool Hargeysa, habeen ka hor halkan ayay nin ku dileen,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa nool Hargeysa.

Sidoo kale, haweeneydan waxay sheegtay inay cabashadooda u gubiyeen madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliiska ayna mar walba ku celinayaan in wax laga qabto dhibaatada ay dhallinyaradaas u geysanayaan shacabka.

Dhanka kale, taliyaha booliiska Somaliland, Jen. Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa xaqiijiyay jirtaanka dhallinyaradan abaabulan ee dhibaatooyinka ka geysanaya habeenkii magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay qabqabteen qaar badan oo ka mid ah, kuwa kalena ay ku raad-joogaan.

“Way jiraan dhallinyaro dhibaatooyin ka geysta xaafadaha Hargeysa qaar ka mid ah, ciidamaduna waxay wadaan howgallo ay ku qabqabanayaan, waxaan horay u qabanay kontomeeyo sharciga ka horgeeyay, sidoo kale 18 ayaan ka qabanay habeen hore, sharciga ayaana la horgeynayaa,” ayuu yiri Jen. Fadal Iimaan.

Dhallinyarada abaabulan ayaan la ogeyn cid ay ka amarqaataan iyo ujeedka ay leeyihiin; waana markii ugu horreysay oo shacabka ku nool Hargeysa ay ka cowdaaan kooxo dhac iyo kufsi baahsan ka geysanaya gudaha Hargeysa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya