4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Ciidamada AMISOM oo la wareegay Saldhig ku yaalla Degmada Baydhabo oo ay Maanta ka baxeen Ciidamada Itoobiya

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Ciidamada AMSIOM ayaa la wareegay saakay saldhiggii ugu weyn ee madaxtooyada Baydhab oo ay ku sugnayeen Ciidamada Itoobiya; iyadoo ciidamada AMISOM ay horay ula wareegeen saldhigii garoonka diyaaradaha ee degmada Baydhabo oo ay ku sugnaan jireen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa toddobaadkii hore ka baxay degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, iyadoo aysan u sheegin dowladda Soomaliyeed, taasoo keentey in barakacii ugu weynaa uu ka dhacay degmada Xudur oo ay la wareegtay Al-shabaab.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Itoobiya oo baneenayay fariisamahoodii, iyagoo ay isugu tagayaan fariisinkoodii ugu waynaa ee warshadda Xaseey oo kasoo horjeedda Hoteelka Bakiin.

Dhanka kale, waxaa si habsami leh howshiisii u billaabay maamulka gobalka Bay oo dhawaan la dhaariyay, kaddib markii uu maamulka cusub uu howshii ka billaabay xafiisyadiida Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo