4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shacabka ku nool Muqdisho ugu Baaqay inay iska-celiyaan Kooxaha Nabadda diiddan

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay ka hortagaan kooxaha kasoo horjeeda nabadda.

Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dajiyay qorshe lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay isku xiraan, dadka ku nool waaxaha iyo xaafadaha degmooyinka gobolka si ay uga hortagaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

“Qorshaheennu waa inaan dadka abaabulno isuguna xirno xaafad-xaafad iyo waax-waax si ay isaga warqabaan ugana hortagaan kooxaha nabadda diidan sidoo kalena ay qayb ka qaataan howgallada lagu sugayo amniga ee ay wadaan ciidamada nabadgalyada,” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka wuxuu sheegay in looga baahan yahay dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir inay ka fikiraan sidii ay ammaanka degmadooda uga fekeri lahaayeen, isagoo sheegay in dadka qaraxyada iyo nabadgalyo-darrada geysanaya ay kasoo baxaan guryo, loona baahan yahay in il gaar ah lagu eego si ay u carqaladeyn ammaankooda.

“Qofka walba oo fal ammaan-darro ah sameynaya guri ayuu kasoo baxaan; gurigaasna wuxuu yaallaa waax, laan ama xaafad ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, balse haddii lasoo sheego ma dhici karto inuu sameeyo fal liddi ku ah ammaanka, waayo dhiabatada ay geysanayaan ma jirto cid ka fakan karta,” ayuu yiri guddoomiyaha gobokla Banaadir.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho wuxuu ku baaqay in la joojiyo buun-buuninta waxyaabaha ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir taasoo uu xusay inay dan ugu jirto kooxaha dhibaatada ka kawada magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo ay u suurogashay inay ka baxdadaan goobaha ay falalka ka geystaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya