4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo soo dhaweeyay warbixintii ay Hay’adda Human Rights Watch kasoo saartay Soomaaliya


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh maxamuud ayaa soo dhaweeyay warbixintii hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay soo saartay ee lagu sheegay in xad-gudubyo loo geysto barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho.

Hay’adda HRW ayaa waxay warbixinteeda ku sheegtay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, kooxo hubeysan iyo horjoogayaasha kaamamka ay dhibaato isugu jira kufsi iyo dhac u geystaan barkacayaasha ku jira xeryahaas oo uga soo baracakay deegaannadooda colaado iyo abaaro.

“Aniga iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay si isku mid ah u soo dhaweynayaan warbixintii HRW oo ahayd mid dhameystiran, kaasoo ku saabsanaa dhibaatooyinka soo wajahay barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho sannadihii 2011/2012. Wararka ay goobjoogayaashu bixiyeenna waa kuwo xanuun badan oo aan la aqbali karin in dadka Soomaaliyeed lagu sameeyo,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu billaabayo hadda sidii lagu xaqiijin lahaa warbixinta, isagoo xusay in go’aankiisu in ciqaab la mariyo qofkii lagu helo inuu dhibaatooyin ka baxsan bani’aadamnimada kula qaxo barakacayaasha ku jira xeryaha qoxootiga.

“Qodobbada ugu waaweyn howsha dowladda waxaa ka mid ah in dadku ay helaan nabadgalyo. Haddana waxaa socda qorshe aan dib ugu habeynayno hay’adaha amaanka dalka. Isbedelka lagu sameynayo ammaankana waa mid socda; tababarka ciidamada waa la dajeiyay waana la fulinayaa; in la baro ciidamada asluubta iyo shaqadana waa mid socota. Waxaan go’aan ku gaarnay inaan dib u dhis ku sameyno ciidammada xoogga si shacabku ay u helaan ammaan iyo kalsooni,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in guddiga gaarka ah ee u sameysay xukuumaddu inay baaritaanno ku sameeyaan xuquuqda aadanaha oo la dhisay horraantii Feberaayo ay wadaan howlo ay ku baarayaan dambiyda la sheegay inay ka dhacaan xeryaha barkacayaasha Muqdisho oo uu ka mid yahay kufsiga haweenka. Isagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin in baaritaannadaas ay sababi karaan inay yaraadaan xadgudubyada noocan oo kale ah.

“Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dalalka na taageera iyo kuwa aan la leennahay isbahaysiga inay naga caawiyaan sidii loo horumarin lahaa awooddeenna si aan uga hortagno dhibaatooyinka noocan ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dad warbixinno ay ka ururisay HRW ay u sheegeen inay kufsadeen rag hubeysan oo qaarkood ay ka mid yihiin ciidamada dowladda, iyadoo hay’addu ay dowladda ka dalbatay inay ka hortagto falalkaas foosha xun.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya